Kaarka aqoonsigaga xubinta Blue Cross

Sababta aad ugu baahan tahay, sida loo isticmaalo, iyo waxa la sameeyo haddii uu kaa lumo.

Kaarkaaga aqoonsiga xubinnimada Blue Cross wuxuu ka kooban yahay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan qorshahaaga caymiska.

Waxaad ku heli doontaa kaarka aqoonsiga xubinnimada ee adiga iyo xubin kasta oo qoyskaaga ka mid ah oo caymiska ku jirta, dhowr toddobaad gudahood ka dib marka qorshahaaga caymisku dhaqan galo. 

 

Sababta aad ugu baahan tahay kaarka aqoonsiga xubinnimada

Kaarkaaga aqoonsiga ee xubinnimada waxaa ku jira macluumaad muhiim ah oo ku saabsan qorshahaaga iyo caymiskaaga. Wuxuu u sahlayaa bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka ee ku jira shabakadda caymiska inay ogaadaan halka ay u dirayaan dalabaadka lacag-bixinta, si aadan adigu ugu baahnayn inaad dirto. Sidoo kale, dhabarka kaarka waxaa ku qoran macluumaadka xiriirka haddii aad mar uun u baahato caawimaad. 

Sawirka Blue Cross iyo Blue Shield ee kaadhka muunada caymiska caafimaadka Minnesota
MUNADA KAARKA AQOONSIGA – KAARARKA AQOONSIGA XUBINNIMADU WAY KALA DUWAN YIHIIN

Sida loo isticmaalo kaarkaaga aqoonsiga ee Blue Cross ama Blue Plus

Soo qaado kaarkaaga aqoonsiga ee Blue Cross ama Blue Plus mar kasta oo aad booqanayso dhakhtar, farmashiye ama bixiye kale oo daryeel caafimaad. Kaarkaaga aqoonsiga xubinnimada wuxuu bixiyahaaga daryeelka caafimaadka siinayaa macluumaadka soo socda:

  • Magacaaga iyo lambarka aqoonsiga xubinta (iyo lambarka kooxda, haddii ay khuseyso)
  • Magaca qorshahaaga
  • Qadarka wadaaga lacag bixinta marka aad u tagto dhakhtarka ama qolka xalda degdega ah (haddii ay khuseyso)
  • Inta ugu badan ee lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo iyo xadiga lacagta jeebka laga bixinayo (haddii ay khusayso) 
  • Macluumaadka farmashiistaha/dhakhtarka dawada baxsho ee ku saabsan dawooyinka
  • Tilmaamaha bixiyeyaasha ama farmashiistaha sida loo gudbiyo sheegasho
  • Lambarada taleefanka adeegga macmiilka ee adiga iyo bixiyeyaashaada

     

Waxa la sameeyo haddii kaarkaaga aqoonsiga kaa lumo

Haddii kaarkaaga asalka ah ee aqoonsiga xubinnimada kaa lumo ama waxyeelo kaa gaaro, gal koontadaada si aad u aragto kaarkaaga aqoonsiga dhijitaalka ah, soo dejisato kaar beddelid iyo/ama soo dir nuqullo kaarkaaga ah.

Hel kaarkaaga aqoonsiga ee dijitaalka ah

Gal ama samee akoontaaga xubinta si aad u hesho Kaarka aqoonsiga oo dhijitaal ah.

Ma u baahan tahay kaarar dheeraad ah?

Si aad u hesho kaararka aqoonsiga oo dheeraad ah ama bedelka, fadlan gal ama samayso koontadaada xubinta ka dib marka aad hesho kaarkaaga hore.

Taageero

Adeegga Xubinta ee macmiilka

Hubi kaarkaaga aqoonsiga xubinnimada

Waxaad adeeg degdeg badan heli kartaa haddii aad wacdo lambarka ku qoran dhabarka kaarkaaga aqoonsiga xubinnimada. Waad gali kartaa si aad u aragto Kaarka aqoonsigaada. 

Ma haysatid kaarka aqoonsiga xubinta?

Wac khadkeena guud: 

(651) 662-8000
1-800-382-2000
TTY 711
7 subaxnimo ilaa 8 galabnimo CT
Isniin-Jimce