Qof weyn oo wax ku qoraya laptop oo dhinac yaalo buug.

Fahamida caymiska caafimaadka

Waa maxay caymiska caafimaadka, sidee ayuu u shaqeeyaa?

Caymiska caafimaadka wuxuu ka caawinaya inuu ka difaaco kharashaadka sare ee daryeelka caafimaadka. Waxay kaa caawinaysaa inaad bixiso kharashka booqashooyinka dhakhtarka, joogitaanka cusbitaalka, daawooyinka laguu qoray iyo daryeelka ka hortagga ee muhiimka ah.

SVG

Fahmida kharashaadka daryeelka caafimaadka

Baro waxaa kuu ka kooban yahay kharashaadka daryeelka caafimaadka sida loo bixiyo.

SVG

Baro Medicare wax ku saabsan

Helida ilaha ayaa kaa caawinaya inaad barato sida Medicare u shaqeeyo.

SVG

Dawooyinka dhakhtar qoray

Hel fahamka wamaagsan ee faa'iidooyinka daawada dhakhtar qoray, raadi daawooyinka daboolan iyo wax badan.

SVG

Daryeelka ka hortagga

Baro waxaa lagula talinayo adiga iyo qoyskaaga iyo sida daryeelka u daboolayo caymiska caafimaadka.

SVG

Eray bixinta caymiska caafimaadka

Eeg qeexitaanada erayada caadiga ah ee daryeelka caafimaadka iyo caymiska caafimaadka.

Tusaalaha qorshaha caafimaadka

Tusaalaha tallaabadda qorshaha caafimaadka

Aynu dhahno inaad gashay shil halis ah. Biilashaada caafimaad waa $50,000. Caymiska caafimaadku waxa uu wax badan ka bedeli karaa qaddarka aad bixin doonto. Tusaalahan, dhammaan daryeelka aad ka hesho waa dhakhaatiirta iyo cisbitaallada ku jira mashruuca qorshahaaga.*

Kharashkaaga

  • lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo sannadkii: $5,000
  • wadaaga lacag bixinta caymiska: 20%
  • xadiga lacagta jeebka laga bixinayo ee sannadkii: $6,000

Sida ay u shaqeyso

  1. Tusaalahan, waxaad bixinaysaa $5,000 (lacag bixintaada caymiska ee lagaa rabo) ka hor inta aanu qorshahaagu bilaabin inuu bixiyo.
  2. Kadib marka aad bixiso lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo, waxaad 20 boqolkiiba kharashaadka daryeelka caafimaadka ilaa aad gaarto cadada ugu badan ee aad ka bixinayso jeebkaaga6000. Taasi waxay la macno tahay inaad kaliya bixisa $2 $10 kasta oo ah adeegyada la caymiyay ilaa aad ka bixiso $6,000.
  3. Marka aad bixiso $6,000, qorshaha caafimaadka ayaa bixinaya inta ka hartay qarashka adeegyada la daboolay ee aad ka heshay shabakadda ku jirta.

wadarta qaddarka lacagta aad bixin doonto

  • Biilasha adeegyada: $50,000
  • Waxaad bixisaa: $6, 000
  • Qorshahaagu waxa uu bixinayaa: $44,000

Taageero

Ma aha in ay adkaato.

La taliyaasheena Blue Cross waa kuwaan:

  • Waxay ka caawineysa inaad barato wax ku saabsan aasaasida Medicare iyo qorshayaasheena
  • Ka caawinaysa helida qorshaha buuxiya baahiyahaaga
  • Ka caawinaya inaad iska diiwaangeliso qorshaha

*Tani waa macluumaad guud oo ku saabsan sida ay u shaqeyso faa'iidooyinka. Dib u eeg Faa'iidooyinka Koobaan iyo Caymiska iyo buuga faa''iidada qorshaha caafimaadka wixii macluumaad ah oo ku saabsan sida u shaqeeynayo qorshahaaga.

Adiga ayay ku xiran tahay marwalba inaad hubiso haddii aadeg bixiyahaaga ku jira shabakadda qorshaha caafimaadka ka hor inta aadan helin adeegyada. Adeeg bixiyaasha oo dhan ma ku jiraan shabakad walba. Waxaa laga yabaa inaad bixiso lacag badan ama kharashaadka daryeelkaaga caafimaadka oo dhan haddii adeeg bixiyahaaga uu ka baxsan yahay shabakadaadaama uusan qandaras la laheyn Blue Cross (tani waxaa loogu yeera adeeg bixiyaha aan aheyn-ka qeybgalista). Waad xaqiijin kartaa haddii adeeg bixiyahaaga uu ku jiro shabakadda adiga oo wacya lambarka adeegga macmiilka ee qoran qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta.