Barnaamijka Abaalmarinada Caafimaad Qabka

Maadama aad xubin ka tahay Blue Cross iyo Blue Shield of Minnesota iyo Blue Plus, waxaad heli kartaa abaalmarinada buuxinta jimicsiyada ka hortagga qaarkood ee barnaamijka Healthy Rewards.

Ku Saabsan Abaalmarinta Caafimaadka

Ku hel abaalmarino daryeelistaada iyo caafimaadka qoyskaaga

Marka aad ku biirto barnaamijka Healthy Rewards, adiga iyo qoyskaaga waxaad heli kartaan abaalmarinada loogu talo galay dhamaystirka jimcisiga qaar ee caafimaadka qabka.

Sida uu u shaqeeyo barnaamijka abaalmarinta: 

SVG

Isdiiwaangelintu waa ikhtiyaari.

Marka aad dhammaystiro hawshaada koowaad, kaarkaaga abaalmarinta ayaa lagu soo diri doonaa gurigaaga. Marwalba oo aad dhamaystirto hawl,doolarka ayaa lagu darayaa kaarkaaga aabaalmarinta ee dib loo soo kicin karo.

SVG

Kaarka caafimaad oo abaalmarinta

Xubnaha 18sano jirka ah iyo ka weyn ayaa samayn kara koontadooda Abaalmarinada Caafimaad waxayna helayaan kaarkooda. Wixii ah xubnaha ka hor 18, abaalmarinada ayaa lagu dari doonaa kaark weyn ee reerkooda.

SVG

Asturnaanta waa la balan qaaday

Si aad uga caawiso ilaalinta asturnaantaada, jimicsiyada qaar ayaa u baahan boono daabacan in la buuxiyo oo boosto lagu soo diro.

Billow Abaalmarinta Caafimaadka

Ku bilow sadex tallaabo oo fudud

Tallaabadda 1: samee koontadaada

Booqo my.bravowell.com/bluecrossmn ama wac 1-833-786-8722, TTY 711.

Waxaad u baahan doontaa lambarka xubin Aqoonsiga ee ku yalla qeybta hore ee kaarka aqoonsiga ee xubinta, ciwaanka iimaylkaaga iyo ciwaanka boostada si aad u bilowdo.

Tallaabada 2: Jadwalayso booqasho aad la yeelanayso dhakhtarkaaga

Hel abaalmarinta marka adiga iyo qoyskaaga aad booqataan dakhtarka oo buuxisaan hawl walba oo ka mid ah caafimaadka ee aad ugu qalanto barnaamijka. Dhakhtarkaaga ayaa noo sheegi doono marka aad dhammaystiro hawsha.

Tallaabada3: Bilow helida abaalmarinada

Marka uu dhakhtarkaaga na ogeysiiyo inaad dhammaystiray booqashadaada koowaad, kaarkaaga aabaalmarinada ee dib loo buuxin karo ayaa lagu soo diri doonaa. Doolar ayaa lagu darayaa kaarkaaga marwalba oo aad dhammaystiro howl caafimaad.

Kaarkaaga abaalmarinta ayaa lagu isticmaali karaa inta badan goobaha tafaariiqda. Looma isticmaali karo khamri, tubaako, hub ama khamaar.

Baadh hawlaha abaalmarinta caafimaadka.

Baaritaanada ilmaha iyo dhalinyarada

Tallaalka hargabka dhalaanka (da'da 0 ilaa 2 sano)

Tallaada ayaa muhiim u ah da' walba. Abaalmarin$25 ayaa lagu dari doonaa kaarkaaga marka uu ilmahaaga dhammaystiro labada qiyaaso ee tallaalka hergabka maalinta labaad ee dhalashooda.

Taxanaha tallaalka HPV (da'da 9 ilaa 12 sano)

Ciyaalka dhalinyarada ka hor waxay u baahan yihiin inay dhammaystiran tallaal taxane ah ee HPV. Aabaalmarinta $25 ayaa lagu dari doonaa marka uu ilmahaaga dhammeystiro talaalka taxanaha ah ee HPV marka ay gaaraan 13.

Booqashada caafimaadka ee ilmaha (da'da 0 ilaa 15 bilood)

Booqashooyinka fayaqabka--ilmaha ayaa u oggolaanaya dhakhtarka inuu la socodo koriimada dhallaankaaga. Ilmahaagu waa inuu gaadhaa lix booqasho da'da 15 bilood.

Abaalmarinta $10 ayaa lagu dari doonaa kaarka wakhti walba oo ilmahaaga uu dhamaystiro booqashada fayo-qabka ee ah ilaa lix booqasho ($60 ama ugu badnaan lix booqasho).

Booqashada caafimaadka carruurta (da'da 16 ilaa 30 bilood)

Booqashooyinka fayaqabka--ilmaha ayaa u oggolaanaya dhakhtarka inuu la socodo koriimada iyo caafimaadka dhallaankaaga. Dhallankaaga waa inuu gaadhaa labo booqasho ka hor 30da'da bilood.

Abaalmarinta $10ayaa lagu dari doonaa booqashadaada koowaad$15 booqashada ayaa lagu dari doonaa kaarkaaga booqashada labaad.

Booqashada ilmaha (da'da 3 ilaa 17 sano jir)

Booqashooyinka sanadlaha ee fayo qabka-ilmaha waxay muhiim u tahay inay xaqiijiso in carruurta iyo dhalinyarada ay caafimaad qabaan. Boqshooyinkan waxay daboolaan mowduucyo badan oo muhiim ah oo ku haboon-da'da sida nafaada, maqalka iyo tallaadda.

Abaalmarinta $25 ayaa lagu dari doonaa marka uu ilmahaaga ama dhalinyarada uu dhammaystiro hal booqasho oo ah fayo-qabka ilmaha oo dhaxeysa da'da sadex iyo 17 sano.

Daryeeka macaanka

Baaritaanka sanadlaha ah ee sonkorowga

Qaadashada baaristan waa muhiim si loola socdo heerka sonkorta ee dhiigaaga iyo cabirista sida wanaagsan ee macaankaaga loo maareeyay. Yoolka inta badan da'da dadka waaweyn18 ilaa 64 qaba macaanka waa A1C taas oo ka yar 7

Abaalmarinta $25 waxaa lagu dari doonaa kaarkaaga marka aad dhammaystiro baaritaanka dhiiga A1C ee sanadlaha ah.

Daryeelka dhalmada

Booqashada dhalmada ka hor

Waa muhiim inaad bilowdo daryeelka uurka hore sida ugu dhaqsiyaha badan marka aad sidaa isaga baarto uurka. Booqashadan waxay ka caawineysa inaad u diyaargarowdo daryeelka aad u baahan tahay xiliga uurka.

helida $75 abaalmarinta ee dhamaystirka ama booqashada dhalmada ka hor haddii ay tahay shakhsi ahaan ama adeegyada caafimaad ee tignoolajiyada.

Daabaco foojar* si aad noogu soo gudbiso:

Booqashada daryeelka dhalmada ka hor - Ingiriis

Booqashada daryeelka dhalmada ka hor - Isbanaash

Booqashada daryeelka dhalmada ka hor - Hmong

Booqashada daryeelka dhalmada ka hor - Soomaali

Booqashada daryeelka dhalmada ka hor - Karen

Booqashada daryeelka dhalmada ka hor - Vietnamsese

Fadlan ka hubi adeeg bixiyahaaga adeegyada caafimaad ee tignoolajiyada doorashooyinka booqashada.

Booqashada dhalmada kadib

Naftaada ka dhig mid caafimaad qabta kadib dhalmada ilmahaaga marka waxaad ka dhigi kartaa ilmahaaga caafimaad qab.

Hel $75 abaalmarinta marka aad dhammaystirto booqashada dhalmada kadib hal ilaa 12 toddobaad kadib marka aad dhasho.

Daabaco foojar* si aad noogu soo gudbiso:

Booqashada dhalmada kadib - Ingiriis

Booqashada dhalmada kadib - Isbanaash

Booqashada dhalmada kadib - Ingiriis Hmong

Booqashada dhalmada kadib - Soomaali

Booqashada dhalmada kadib - Karen

Booqashada dhalmada kadib - Vietnamese

Daryeelka ka hortagga

Booqashada daryeelka ka-hortagga sanadlaha ah (da'da 18 ilaa 64 sano)

Baaritaanada sanadlaha ah wuxuu ka caawiyaa dadka waaweyn inay caafimaad qabaan iyagoo si joogto ah u booqanaya dhakhtarka. Booqashooyinkani waxay hubiyaan caafimaadka jirka iyo maskaxda, maqalka, iyo tallaalada.

Waxaad heli kartaa abaalmarin $25 adiga oo dhameystiraya baaritaanka sanad kasta.

Baaritaanka sanadlaha ah ee ilkaha (da'da 2 ilaa 64 sano)

Baaris joogtada ah ee ilkaha ayaa muhiim u caafimaadka qabka ilkaha iyo ciridka.

Abaalmarinta $25 waxaa lagu dari doonaa kaarkaaga ee dhamaystirka baaritaanka ilkaha ee sanadlaha.

Baaritaanka raajada naasaha sanadlaha ah (da'da 40 ilaa 64 sano)

Baaritaanka kansarka naasaha sanadlaha ah ayaa lagu ogaan karaa kansarka wakhti hore, markaas oo ay fududahay in la daaweyo.

Abaalmarinta $50 waxaa lagu dari doonaa kargaaga marka aad dhamaystirto baaritaanka kansarka nasaha.

Baaritaanka xiidmaha (da'da 45 ilaa 64 sano)

Baaritaanka mindhiciirka waxay gacan ka geysan kartaa oggaanshaha hore ee mindhiriirka kansarka, marka ay fududahay in la daawayo.

Abaalmarinta $50 waxaa lagu dari doonaa kaarka ee dhamaystirka baaritaanka mindhiciirka. Abaalmarinta waxaa la qaadan karaa oo kaliya 10 sano walba.

Baadhitaanka kansarka ilmo galeenka (da'da 21 ilaa 64 sano) sanadlaha ah)

Baadhitaanka kansarka afka ilmo galeenka ee sannad walba la sameeyo ayaa ogaan kara kansarka afka hore ee ilma galeenka marka uu horey u bilaabmo, taasoo ka dhigaysa mid sahlan in la daweeyo.

Abaalmarin $25 ayaa lagu dari doonaa kaarkaaga marka aad dhammaystirto baaritaanka kansarka ilmo-galeenka sanadlaha ah.

*Si aad uga caawiso ilaalinta asturnaantaada, jimicsiyada qaar ayaa u baahan boono daabacan in la buuxiyo oo boosto lagu soo diro.

Boonooyinka aan la dhamaystirin ayaa la diidi doonaa.

Barnaamijka ayaa isbeddeli karaa ama dhammaan karaa wakhti walba ogeysiis la'aan. Xaddid hal kaar oo abaal marin ah xubin kasta sannadkiiba foojarkiiba. Fadlan sug ilaa siddeed toddobaad si kaarka abaalmarintaada uu ugu yimaado boostada. Abaalminta waxay keeni kartaa canshuur. La tasho la taliyahaaga canshuurta. Abaalmarinda ma loo isticmaali karo khamri, tubaako, hub ama khamaar.

DHS_011525_O01 DHS waa la ansixiyay 01/17/2025