Daryeelka ka hortagga ee loogu talagalay raga

Baro sida looga ka hortago kansarka qanjirka xaniinyaha iyo wax ku saabsan baaritaanada kale looga hortagayo ee loogu talagalay raga, gaar ahaan kadib da'da 50.

Blue Cross waxay ka hadasha wax ku saabsan caafimaadka raga, oo ay ku jirto baaritaanada ka hortagga si loo yareeyo halista qanjirka xaniinyaha iyo cudurada kale. Haddii aad tahay rag qaba walacyada caafimaadka ama aad jirto 50 ama ka weyn, jadwalayso ballanta aad la yeelanayso dhakhtarka maanta.

Tallooyinka daryeelka ka hortagga(PDF) Raadi dhakhtar

Maxaa ka dhacaya baarista ka hortagga raga?

Waxaa laga cabiri doonaa dhiirarka, miisaanka iyo dhiig karka waxana lagu weydiin doonaa noocyada su'aalahan:

  • Ma cabta sigaar?
  • Waa maxay jimicsiyadaada iyo dhaqanada cunto cunista?
  • Waa maxay heerkaaga walaca?
  • Ma saameysa dhaqanada galmada badqabka ah?
  • Ma u isticmaasha khamriga si xad-dhaaf ah?
  • Ma leedahay taariikhda qoyska ee wadne xanuunka, kansarka mindhiciirka, kansarka qanjirka xiininyaha ama cudurada kale?

Baaritaanada ka hortagga ee raga

Inta ay ragga korayaan, xita waxay noqoneysa muhiim inaad si joogto ah u aragto dhakhtar baartiaanda soo socda:

Waa maxay qanjirka xaniinta yaana halis ugu jira kansarka qanjirka xaniinta?

Qanjirka xaniinta waa qanjir ku wareegsan kaadi mareenka labka, kaas oo hoos mara kaadi heysta. Kansarka qanjirka xaniinta waa mid ka mid ah kansarada ku badan raga inta badan waa lagu guuleystaa daaweyntiisa. Dhakhtarkaaga ayaa marka koowaad qiimeyn doonaa halistaada kansarka qanjirka xaniinta ka hor inta u go'aaminin haddii la sameeynayo baarista dhiiga iyo haddii kale.

Arrimaha ku geli halista weyn ee kanskarka qanjirka xaniinta waxaa ka mid ah:

  • Da'da/Jinsiga: Waxaad lab 50 jira ama ka weyn
  • Taariikhda qoyska: Abahaaga ama walalkaaga ma qabay kansarka qanjirka xaniinta
  • Isirka/qowmiyada: Waxaad tahay Afrikan Mareykanka ah

Haddii aad halis ugu jirto, dhakhtarkaaga ayaa laga yaaba inuu amaro baaritaanka dhiiga si uu kaga fiiriyo heerka antijiinka qanjirka xaniinta gaarka ah ee qulqulka dhiigaaga. Heerka PSA waxay ku xiran tahay da'daada; heerka PSA caadiga ah 70 sano jirka ah ee raga waxay ka sareyn doontaa heerka PSA ee lab-ka ka yar.

Sidee loo daaweya kansarka qanjirka xaniinta? 

Dhakhtarkaaga ayaa laga yaaba inuu ku taliyo dabagal waxay ku xiran tahay natiijooyinkaaga PSA. Qaar ka mid ah noocyada kansarka qanjirka xaniinta ayaa si tirtiib ah u koreysa, marka dhakhtarkaaga ayaa laga yaaba inuu baahan yahay kormeerida. Noocyada kale ee kansarka qanjirka xaniinta aad u adkaan karaa. Dhakhtarkaaga ayaa kala hadli karaa daaweynta, sida qaliinka, shucaaca, kimodereebiga iyo ikhtiyaarada kale.

Waa maxay siyaabooyinka looga hortagi karo kansarka xaniinta qanjirka iyo cudurada kale?

Si aadu caafimaad qabto, waxaa fiican inay raga ka fogaan sigaarka, joogteynta miisaanka caafimaad qabka ah iyo jimicsiga joogtada ah. Waa muhiim sidoo kale in la sameeyo galmo badqab ah ama la jadwalaysto baaritaanada joogtada ah inta aad koreyso.

Immisa jeer ayaad dhakhtarka tagaysa wixii ah baaris ka hortagga?

Go'aanka lagu booqanayo dhakhtarka waxay ku xiran tahay da'da iyo halista caafimaadka:

  • Caafimaad qabka raga: Booqo dhakhtarka sadex ilaa shan sano
  • Raga dhalinyarada ah ee leh taariikhda qoyska, xaalad caafimaad ama qaab nololeedka halista-sare: Booqo dhakhtarka sanadkiiba
  • Raga 50 sano jirka ah ama ka weyn: Booqo dhakhtarka hal ama sano walba , ama inta badan haddii aad maareynayso xaaladd caafimaad ee dabadheer

Wax badan oo ku saabsan daryeelka ka hortagga

Baro wax badan oo ku saabsan daryeelka ka hortagga
Baaritaanada jirka iyo booqashooyinka ka hortagga
Daryeelka ka hortagga haweenka
Daryeelka kahortagga maadaama aad gaboobayso
5 qaababka lagu dhimo dhiig karka
Kolonoskopiga wuxuu ka hortagi karaa kansarka mindhiciirka
Siyaabaha loo yareyo kolesterolka