Shan siyaabood oo lagu yareeyo dhiig karka sare

Wax ka baro kala duwanaanshaha dhiig karka ee caafimaadka qaba oo raac tilmaamahan si aad ugu hesho caawimaad xakamaynta dhiig karka.

Raadi dhakhtar

Tilmaamaha dhiigga karka ee caafimaadka leh

Waxaa laga yaabaa inaadan dareemin inaad qabto dhiig karka sare nolol maalmeedkaaga laakiin wuxuu yeelan karaa saameyn xun. Dhiigkarka ayaa kordhiya halista wadne qabad, faalig iyo dhaawac kelyaha, kuwaas oo sababi kara naafanimada ama dhimasho halis ah

Maxay ka dhigan yihiin lambarada?

Akhriska dhiig karkaaga waxaa laga sameeyey labo lambar. 

Dhiig karka kore, tirada kore, wuxuu muujinaya sida dhiig karkaaga uu ku garaacayo darbiyadda hawlbolayaasha darbiyadaada marka uu wadnaha garaacmo.

Dhiig karka hoose, tirada hoose, wuaxay muujinaysas sida cadaadiska dhiigaaga uu garaacayo darbiyadda hawlbolayaashaada inta wadnahaaga uu ka nasaxayo garaacista dhexeysa wadnaha.

Kala duwanaashaha dhiig karka

  Kor
Tirada kore
Hoos
Tirada hoos
Caadi Hoos120 Hoos80
Kacsan 120-129 Hoos80
Dhiig karka sare (heerka 1) 130-139 80-89
Dhiig karka sare (heerka 2) 140 Ama ka sareeya 90 Ama ka sareeya
Dhibaatooyinka dhiig karka Ka sareeya 180 Ka sareeya 120

Sida loo yareeyo dhiig karkaaga

dhiig karka sare waa laga hortagi karaa. Markaad isbedel ku sameyso qaab nololeedkaaga si aad hoos ugu dhigto dhiig karkaaga, waad ka hortagi kartaa dhiig karka sare iyo waxyeeladiisa. Halkan waxaa ah shan siyaabood oo aad hoos ugu dhigi karto dhiig karkaaga.

1 Iska yaree milixda cuntadaada

milixdu waxay kordhisaa heerarka soodiyamka ee dhiigga, taasoo keenta kelyaha inay si adag u shaqeeyaan, jidhkaagana uu biyaha ceshado. Haddii aad cunto milix miiska caadiga ah ama milixda badda, waxay weli saamayn doontaa dhiig karkaaga haddii lagu isticmaalo heerar sare.

2 Si joogto ah u samee jimicsi

Ku kordhinta jimicsigaaga in yar oo ah 30 daqiiqo oo jimicsi aerobic ah todobaadkii waxay hagaajin kartaa dhiig kartaa. Jimicsiga hawada, sida socodka ama orodka, ayaa u fiican dhiig karka sare sababtoo ah waxay kaa caawinaysaa inaad xoojiso wadnahaaga. Haddii aad leedahay dhiig karka sare, hubi inaad si joogto ah u hubiso garaaca wadnahaaga markaad jimicsi samaynayso. Jimicsigu wuxuu kaloo kaa caawinayaa dhimista walbaharka. Tix geli wax sida yogada ama tai chi. Waxaa ka mid ah jimicsiyada neefsashada oo kaa caawin kara yaraynta walbaharka

3 Iska yaree oo iska ilaali walbaharka

Ka fogaanshaha ama yaraynta walbahaarka waxay kaa caawin kartaa dhimistaa dhiig karka. Waxaa jira dhowr siyaabood oo lagu dhimi karo walbahaarka:

  • Ka-fiirsashada ama fekerka qotoda dheer
  • Jimicsiga neefsashada
  • La hadal saaxiib ama xaaskaaga
  • Dhiirada saar dhanka tosan

4 Maamul miisaankaaga

Miisaanka badan ama cayilka ayaa culeys saaraya jirkaaga waxayna kordhisaa cadaadiska dhiigga. Miisaan dhimista waxay kaa caawin kartaa hoos u dhigista dhiig karkaaga. Luminta ugu yaraan shan baundi waxay samayn kartaa farqi. La shaqee dhakhtarkaaga si aad u go'aamiso hadaf miisaan caafimaad leh.

5 Qaado daawadaada

Daawooyinku waxay kaa caawin karaan xakamaynta dhiig karka. Daawooyinku waxay ku shaqeeyaan xididdada dhiigga laftooda (beta-blockers ama vasodilators) ama maaraynta sodiyamta (diuretics) oo ka saara milixda jidhka. Haddii dhakhtarkaagu kuu sheego inaad u baahan tahay daawo lagu maareeyo dhiig karkaaga, waa muhiim inaad qaadato. Hel caawimo u qaadashada daawooyinkaaga sida laguu qoray.

Kahortagga dhiig karka sare waa muhiim markaa booqo dhakhtarkaaga si aad uga hortagto baaritaanka, ogaanshaha ama daaweynta.

Ilo caafimeedyo dheeri ah