Muxuu daboolaya daryeelka ka hortagga?

Weli ma ku aragtay dhakhtarkaaga booqashada ka hortagga ah, sidoo kale loo yaqaano baaris joogtada? Daryeelka ka hortagga wuxuu muhiim u yahay adiga iyo caafimaadka qoyskaaga.

Waa maxay daryeelka ka hortagga?

Daryeelka ka hortagga waxaa ka mid ah waxyaabaha sida baaris joogtada, baarista iyo tallaalada. Waxaa caymin karaa iyada oo aan la wadaagin-kharashka marka aad booqto dhakhtarka ku jira shabakadda qorshaha caafimaadka. Noocaan daryeelka ayaa sidoo kale ka caawin karaa dhibaatooyinka caafimaad ee kugu dhaca ka hor inta aysan noqonin halis. Kala hadal dhakhtarkaaga wax ku saabsan daryeelka kugu haboon.*

Qaado imtixaankeena si aad u aragto intaad garanayso wax ku saabsan daryeelka ka hortagga

Maxay muhiim u tahay inaad yeelaato booqasho ka hortagga?

Booqasho ka hortag ah ayaa u oggolaanaysa dhakhtarkaaga inuu qiimeyo caafimaadka oo hubiyo inaad hesho baaritaanada saxda ah ee ku haboon da'dadaada, jinsigaaga, iyo taariikha qoyskaaga. Booqashadaan ayaa ka caawinaysa inaad ahaato caafimaad qab waxana laga yabaa inaad aqoonsato walacyada caafimaadka ka hor inta aysan noqon xaalaad muddo dheeraada.

Tallooyinka daryeelka ka hortagga

Waa maxay farqiga u dhaxeya booqasho ka hortag ah iyo booqashada xafiiska?

Booqashooyinka ka hortagga, mararka qaar waxaa loogu yeera baaris joogto ah, waana ka duwan yihiin booqashada xafiiska jadwalaysan ee looga hadlayo dhibaatada caafimaad oo gaar ah Waxaad arki laheyd dhakhtarkaaga, xirfadle kalkaaliye ama caawiye dhakhtar oo loogu talagalay booqasho ka hortag ah marka dareento caafimaad. Daryeelka wuxuu ku jiri karaa sida imtixaan oo kale, baarista dhiig karkaaga, ama qaadashada tallaada lagu taliyey. Booqashooyinkaan ayaa lagu caymin karaa iyada aan kharashka-la wadaagin marka aad isticmaalayso adeeg-bixiyaha shabakada ku jira (dhakhtarka, xirfadle kalkaaliye, caawiye dhakhtar).

Guud ahaan booqashooyinka xafiiska waxa ku jira baarista astamaaha si loo daaweyo xaalad caafimaad oo ah gaar ama dhibaato.

Waa maxay sababta la iga qaaday lacag booqasho ka hortag ah?

Waa maxay qaar ka mid ah tusaalooyinka adeegyada ka hortaga?

Daryeelka ka hortagga waxaa ku jira adeegyda sida tallaaladda iyo baaritaanada joogtada ah,

Faafaahinta adeegyada daryeelka ka hortagga (PDF)

Imisa jeer ayaan helaya booqasho ka hortag ah?

Inta jeer aad arkayso dhakhtarkaaga waxay ku xiran tahay da'daada, jinsigaaga, iyo caafimaadka iyo taariikhda qoyskaaga. Dadka waa weyn qaarkooda, booqashooyinka ka hortaga ayaa lagu talieyey inta badan hal jeer sanadka. Qof walba wuxuu leeyahay baahiyaha daryeelka caafimaadka oo kala duwan, marka weydii dhakhtarkaaga inta jeer ay tahay inaad aragto. Iska hubi inaad fiiriso faafaahinta qorshahaaga ka hor intaad ballan la sameeysanin dhakhtarka. Qaar ka mid ah qorshayaasha Blue Cross waxaa laga inaysan daboolaynin adeegyada ka hortaga ah ama leeyihiin heerarka kala duwan ee caymiska. 

Waxyaaabaha laga yaabo inay dhacaan inta lagu jiro booqasho ka hortag ah waxaa ka mid ah tallaalka, cabirista dhiig karka iyo kolestroolka, baarista macaanka, ama kala talinta miisanka caafimaad qabka ah.  Dhakhtarkaaga ayaa sidoo kale kugu talin karaa baaritaano kale.*

Sidee loo caymin doonaa?

Qorshayaal badan oo ah Blue Cross ayaa caymiya adeegyada daryeelka ka hortaga ah iyada oo aan la wadaagin-kharashka marka aad aragto dhakhtar ku jira shabakadaada qorshaha caafimaadka. Iska hubi inaad fiiriso faafaahinta qorshahaaga ka hor intaad ballan la sameeysanin dhakhtarka.

Mararka qaar, dhakhtaarka ayaa armi doonaa baaritaano inta lagu jirto booqashada daryeelka ka hortagga taas oo aan la tixgelinaynin daryeelka ka hortagga. Baaritaanadan ayaa laga yabaa in laga jaro lacagta laga rabo inuu caymiska bixiyo, isla bixinta iyo/ama wadaaga lacag bixinta caymiska. Dhakhtarkaaga ayaa sidoo kale laga yabaa inuu daweeyo xaalad jirta (ama waxaa laga yabaa inaad leedahay astaamo xanuun marka aad ku jirto waqtiga booqashada). Daaweynta ama baaritaanada loogu talagalay xaaladdaha horey u jiray ma ahan daryeelka ka hortagga iyo waxaana jaraya lacagaha lagu rabo inuu bixiyo caymiska, isla bixinta iyo/ama wadaaga lacag bixinta caymiska.

Faafaahinta adeegyada daryeelka ka hortagga (PDF)

Halkee ayaan u aadaya wixii macluumaad dheeraad ah haddii aan qabo su'aalo?

Wac lambarka adeegga macmiilka ee ku qoran qeybta dambe kaarka Aqoonsiga ee xubinta wixii mnacluumaad dheeraad ah. Haddii aad u baahan tahay inaad raadiso dhakhtar, isticmaal  qalabkeena raadi dhakhtar.

Wax badan oo ku saabsan daryeelka ka hortagga

Daryeelka ka hortagga haweenka 
Daryeelka ka hortagga ee loogu talagalay raga
Daryeelka ka hortagga ee loogu talagalay dhallanka cusub iyo ciyaalka yaryar
Daryeelka ka hortagga ee loogu talagalay da'aada ciyaalka 6-12
Daryeelka kahortagga maadaama aad gaboobayso
Baaritaanada jirka ee sanadlaha iyo booqashooyinka ka hortagga

*FADLAN OGSOONOW: tallada ka timid, waxaa dalbaday, ama booqashada dhakhtarkaaga ma damaanad qaadayso caymiska.