Qorshaha Lacag bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray Medicare
Maamul kharashaadka daawada ee baxa jeebkaaga lacag bixinta bilaha
Maamul kharashaadka daawada ee baxa jeebkaaga lacag bixinta bilaha
Wac 1-833-696-2087, TTY 711
Ama buuxi oo boosto ku soo dir mid ka mid ah foomaka hoos.
Medicare Advantage aiyo PlatinumBlueSM plans:
Qorshaha SecureBlueSM (HMO SNP):
Wac 1-833-692-8013, TTY 711
Medicare Advantage aiyo PlatinumBlueSM plans:
Qorshaha SecureBlueSM (HMO SNP):
Qorshaha Bixinta Lacagta Dawooyinka ee Medicare waa barnaamij kaa caawiya inaad maareyso kharashaadka daawooyinka Medicare Part D ee aad jeebkaaga ka bixiso adigoo u kala qaybinaya billaha sanadka (Janaayo - Diseembar) iyadoo la bixinayo lacag bixinta billaha ah. Barnaamijkani wuxuu aad u anfacaa dadka qaba kharashyo badan oo ku baxaya daawooyinka bilowga sanadka.
Tani waa doorashada lacag bixinta tabarucida ee la siiyo dhammaan qorshayaasha Medicare ee Part D. Ma jirto wax kharash ah oo ku bixi is-diiwaangelinta. Barnaamijkan wuxuu kaa caawin karaa inaad maarayso kharashaadka aan jeebkaaga ka bixiso ee daawada, laakiin kuma badbaadinayo lacag ama hoos uma dhigaayo kharashka daawada.
Haddii aad ku faraxsan tahay sida aad hadda u bixiso daawooyinkaaga Medicare Part D, kharashka daawada hooseeyo ama isku mid yahay bil kasta, ama haddii aad ka hesho caawimaad bixinta daawada barnaamijyo kale oo ay ka mid yihiin Extra Help, ikhtiyaarkan lacag bixinta laga yaabaa in uusan ahayn doorashada kuugu fiican.
Sharciga warqadaha dawada ee dhakhtar qoray wuxuu xaddidaa kharashaadkaaga laga-bixiyo jeebka inuu noqdo $2,100 qof 2026 ama $2,400 gudaha 2027. Tani waxay ka dhigan tahay inaad marnaba bixin doonin in ka badan daboolida caymiska daawoyinka Part D sanadka tirsiga. Tani waa ka run qof kasta oo haysta caymiska daawada ee Medicare Part D, xitaa haddii aadan is-diiwangelinin lacagta bixintan ikhtiyaariga ah.
Kadib markii aad ka baxdo:
Hel macluumaadka dheeriga ah iyo ilahah ee Qorshaha Lacag Bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray ee Medicare.
Dib u eeg Qorshaha Lacag bixinta Medicare ee warqada dawada ee dhakhtar qoray warqadda xaqiiqda ee loogu talo galay macluumaadka dheeriga ah ku saabsan barnaamijka iyo sida ay u shaqayso lacag bixinta daawada.
2027 xaashida xaqiiqada [WAY SOO SOCTA]
Codsiyada lagu galo qorshaha lacag bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray ee Medicare waxaa lagu saameya` dhowr saacadood 24 gudahood. Haddii aad u baahan tahay inaad si degdeg ah u soo qaadato warqada dawada ee dhakhtar qoray, fadlan wac taageerada macaamiisha oo isticmaal lambarrada kor ku xusan si aad uga wada hadasho xulashooyinkaaga.
haddii wakhtiga ay qaadanayso uu u keeno dib u dhac buuxinta daawada la qoray dib u dhacaas wuxuu waxyeelo u geysanayaa caafimaadkaaga, waxaad weydiin kartaa doorashada dib u noqashada 72 saac gudahood marka sheegashadaada daawada dhakhtar qoray la dhammeystiray.
Haddii codsgaaga la ansixiyey, waxaa lagu soo celin doonaa dhammaan kharashaadka la wadaagay ee ah wixii ah daawooyin lagu buuxiyey 45 dhowr maalmood gudahood dib loogu biirayo qorshaha Lacag Bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray ee Medicare.
Waxaad heli doontaa xusuusin haddii aad bixin lacagta. Haddii aanad koontadaada kusoo celin heerka saxda ah muddo 60 maalmood gudahood ah, waxaa lagaa saari doonaa Qorshaha Lacag-bixinta Daawooyinka ee Medicare.
Haddii lagaa saaro barnaamijka, weli waxa lagaa rabaa inaad bixiso lacagta lagugu leeyahay. Ma jiri doonaan wax dulsaar ama khidmado ah, xitaa haddii lacag-bixintaadu dib u dhacdo. Waxaad bixin kartaa dhammaan lacagaha hal mar ama biilka bilaha ah.
Marka biilkaaga si buuxda loo bixiyo, waxaa lagugu soo celin karaa qorshaha lacag-bixinta daawooyinka ee Medicare haddii aad rabto.
Haddii lagaa saaro qorshaha lacag-bixinta daawada ee Medicare, weli waxaad ka sii diiwangashanan doonta qorshahaaga Medicare Part D ilaa inta aad sii waddo bixinta lacagaha qorshahaaga.
Extra Help waa barnaamijka kaalmada dhaqaalaha ee ay heli karaan dadka qaata Medicare ee leh ilaha xadidan iyo dakhliga. Barnaamijka wuxuu ka caawiya xubnaha bixinta kharashaadka Medicare Part D waxaa lagu ballariyay 2024 si u ballariyo faa'iidooyinka heli karo.
Extra Help ayaa ka caawin kartaa inaad bixiso lacagta bilaha ah ee khidmada caymiska qorshaha Medicare Part D, isla bixinta iyo lacagta wadaaga lacag bixinta caymiska. Haddii aad leedahay Extra Help, waxaad iska diiwaangelin kartaa Qorshaha Warqada dawada ee dhakhtar qoray Medicare, laakiin waxaa heli kartaa faa'iido ka weyn oo ka barnaamijka Ext.ra Help.
Baro wax badan oo ku saabsan Extra Help
Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Barnaamijka Kaalmada Caymiska Caafimaadka ee Gobolka (SHIP) si aad u heshid caawinaad bilaash ah.
SecureBlueSM (HMO SNP) waa qorshaha caafimaadka oo qandaraas la leh Medicare iyo barnaamijka kaalmada caafimaadka ee Minnesota si loo siiyo faa'iidooyinka labada barnaamij ee diiwaangashanayaasha. Diiwaan-gelinta SecureBlueSM (HMO SNP) waxay ku xirantahay cusbooneysiinta qandaraaska.
Blue Cross waxay bixisaa PPO iyo Qorshayaasha Cost oo leh heshiisyada Medicare. Iska diiwaangelinta qorshayaashan waxay ku xiran tahay dib u cusbooneysiintta qandaraaska.
S5743_092926_P01_M
Y0138_092926_P01_M
H2425_092526_K03_C DHS la ansixiyey 10/01/2026