Sheekadeena

Ma ogtahay in Minnesota ay tahay qorshaha caafimaadka "Bule" ee ugu horeeyay qaranka?

Taariikhdeenu waxay bilaabatay 1933, markii todoba cosbitaal St. Paul ay iska kaashadeen inay samaysteen "Ururka Isbitaalka Minnesota." Waxay noqotay shabakadii daryeelka caafimaadka ee u horaysay ee dalka laga bixiyo. Xayeysiis hore waxa ka muuqday kalkaaliso cududa blue cross ku wadato gacanta lebiskeeda. Tani waxay ahayd dhalashada summadayada astaanta u ah. Waxaan noqonay qorshihii caafimaad ee ugu horeeyay ee loo yaqaan "Blue Cross."

In ka yar 10 sano kadib, magaca iyo astaanta waxaa qaatay Ururka Blue Cross ee qaranka. Blue Cross waxay noqotay mid ka mid ah daryeelka caafimaadka ee aadka loo aqoonsan yahay laguna kalsoon yahay ee adduunka.

Maanta waxaan nahay hormuudka qorshaha caafimaadka ee gobolka

  • Waxaan leenahay xubno badan, shabakada ugu weyn ee dhakhaatiirta, iyo alaabooyin iyo adeegyo ka badan qorshayaasha kale ee caafimaadka ee Minnesota.
  • In ka badan 2.5 milyan ee xubnaheena ayaa laga heli karaa degmo kasta oo Minnesota ah, dhammaan 50 gobol iyo afar qaaradood.

Hadafakeena waa inaan u furno wado qof walba si ay u gaaran caafimaad qabka noloshooda.

Waxaan rabaa xubnaheena inay helaan daryeelka caafimaadka kaas oo fudud in la isticmaalo. Waxaana rabnaa daryeelka caafimaadka inuu noqdo mdi la awoodi karo oo la heli karo marka loo baahan yahay.

Baro hadafkeena, himiladeena iyo qiyamkayaga 

Waxaan nahay shirkad Minnesota oo aan macaash doon ahayn

  • Ilaheena waxaa loo isticmaalaa inay u adeegto saamilayda, ma aha shuraakadda. Qiyaas ahaan 90senti doolar walba oo ah daryeelka caafimaadka waxaan ururina lacag bixinta xubnaha daryeelka caafimaadka.
  • In kasto loo qaabeyey sida samo fal ahaan, waxaan bixinaa in ka badan 100maaliyiin cashuur a iyo qiimeynta ku saleysan sanadlaha ah.
  • Waxaan bixinaa in ka badan $250 milyan oo mushahar ah dhaqaalaha gobolkayaga sanad walba.
  • Ku dhawaad 3,500 shaqaale ayaa nooga shaqeeya Minnesota oo dhan. 

Wax dheeri ah baro

Fiiri kooxaha bulshada ee aan taageerno
Arag Warbixinteena Bulshada
Eeg warka ku saabsan Blue Cross

Blue Cross and Blue Shield Association waa urur madax-banaan oo ka kooban qorshooyinka Blue Cross iyo Blue Shield.
 

Wax badan ka baro Blue Cross

Maalin kasta, si kasta, waxaan ku dadaalnaa inaan u adeegno bulshadeena annagoo ka dhabayna hadafkeena.