Julie Loosbrock

Madax weyne Ku xigeenka sare, madaxa sarkaalka shaqaalaysiinta

Julie Loobrock

Madaxweyne ku xigeen sare iyo madaxa sarkaalka ilaha bulshada, ulie Loosbrock waxay masuul ka tahay hubinta Blue Cross and Blue Shield of Minnesota inay soo jiidan karaan, heysan karaan, hormarin karaan, oo ay ku lug yeelan karaan hibada lagama marmaanka ah ee lagu heli karo istarajiyadaha ganacsiga shirkadda iyo ujeedooyinka. Waxay kormeertaa dhammaan barnaamijyadda magadhawyada iyo faa'iidooyinka, waxbarashada iyo hormarinta, dhaqanka iyo isbeddelka, barnaamijyada maareynta natiijada, mushaar bixinta iyo HIRS; kala duwnaanta, xiriirka shaqaalaha, xarumaha, badqabka iyo ammaanka.

Loosbrock waxay leedahay in ka badan 30 sano oo ganacsi ah iyo hogaanka ilaha bulshada iyo xirfada. Ka hor inta aysan kuu soo biirin Blue Cross 2022, Loosbrock waxay ka tirsanayd shirkadda la talinta Salo. Waxay sidoo kale horey uga soo shaqaysay shirkadda la talinta iyo shirkadda tababarka, waxay la soo shaqaysay dhowr shirkadd aaga fullinta, waxbarashada iyo hormarinta istarajiyaha, isbeddelka dhaqanka iyo kala duwnaanta iyo qorshaynta loo dhan yahay. Loosbrock waxay soo qabtay jagooyinka hogaanka HR ee Deluxe Corporation, Inland & Ryerson Steel, Rapp Collins Worldwide, IMPACT Consulting iyo the Pillsbury Company. Loosbrock sidoo kale waxay u shaqaysay sida bare qandaraasle University of St, Thomas, Opus College of Business in St. Paul, Minnesota. 

Loosbrock waxay heysta EdD hormarinta ururka iyo shahaadada heerka MBA ee Jaamacadda St. Thomas.