Nash Shaikh

Agaasime, madaxa shaqaalaha ee madaxweynaha & CEO

Nash Shaikh

Nash Shaikh waxay u shaqaysa sida agaasime, madaxa shaqaalaha ee Madaxweynaha iyo Madaxa Gudoomiyaha Fulinta (CEO) ee Blue Cross iyo Blue Shield of Minnesota. Doorkaan, Sheikh waxay masuul ka tahay isku xirka iyo maamulida warbixinta Madaxweynaha iyo CEO iyada oo xooga saaraysa istarajiyadda iyo fulinta. Waxay hogaamisa kooxda istarajiyadda gudaha ee soo saarida, hirgelinta iyo fulinta istarajiyada ganacsiga ururka; qorshayaasha iyo isku xirka dhammaan kulumada iyo agabyada loogu talo guddig agaasimyaasha iyo kooxda hogaanka fulinta' la socodka mudnaanta sare iyo qorshayaasha qarsoodiga sare ee loogu talo galay Madaxweynaha iyo CEO; iyo fududaynta kulumada hormarinta ee dhammaan ku xigeenada la xiriirta hadafka uruurka, hiigsiga, qiyaamada iyo istarajiyadaha.

Shaikh waxay ka soo qabtay dhowr kaalin ilaha bani'aadamka tan iyo inta ay ku soo biirtay Blue Cross 2013. Waxay aheyd tii ugu dambaysay agaasimaha tiknoolajiyadda ilaha bani'aadamka iyo hawlgalada ka hor inta aan loo dalacsiinin doorkeeda hadda 2021. Shaikh waxay ka soo qabatay doorarka la xiriira HR Ascena Retail Group, Chevron, Hindustan Lever Limited, L&T Infotech iyo Goenka Associates Medical & Research Center.

Shaikh waxay ka heysta shahaadda heerka labad MBA K.J. Somaiya Institute of Management Studies iyo Research; shahaadda heerka labaad ee ganacsiga University of Mumbai (India); shahaadda xayeyesinta iyo xiriirka dadweynaha Welingkar Institute of Management oo ku yalla Mumbai iyo shahaadda heerka kowaad ee ganacsiga Bhavans College oo ku talla Mumbai.

Sheikha ku fadhiya guddiga agaasimayaasha Blue Cross iyo Blue Sheild of Minnesota Foundation waxayna u adeegta Guddiga Guddomiyaha ahaan ee Twin Cities Habitat for Humanity. Waxay sidoo kale tahay madaxweynii hore ee Ururka Minnesota ee India waxayna soo qabatay dhowr door hogaamineed oo ah guddiga agaasimayaasha. Waxay sidoo kale tahay xubin guddiga Leading Edge Human Resource Network. Sidoo kale, Shaikh waxay la taliye ka tahay Hope for Tomorrow.