Wayeel fiidiyow call kula jira dhakhtarka qolkooda fadhiga ah.

Doctor On Demand

Isticmaal dhakhtarka onlaynka goorta iyo goobta aad ugu baahato. U arag dhakhtarka wixii caafimaadka ah ama daryeelka caafimaadka dhimirka marka ay kugu haboon tahay.

Qufacaagu ma tagi doono. Waxaa laga yaabaa in cunahaagu aad ka dareemto dhaawac iyo xanuun. Waad ogtahay inaad u baahan tahay inaad daryeel raadsato. 

Hase yeeshee, iyada oo leh jadwal aan dhammaanayn oo ah wax la qabanayo iyo mudnaanta, way adkaan karta inaad ku riixdo ballan dhakhtarkaaga daryeelka aasaasiga ah ama aad booqato daryeel degdeg ah.

Blue Cross iyo Blue Shield of Minnesota waxay bixisaa Doctor On Demand®, oo ku haboon iyo dookha daryeelka ee la awoodi karo si kaga caawiyo inaad caafimaad qabto. 

Marka xigta ee aad u baahan tahay inaad aragto dhakhtar, tixgeli inaad booqato dhakhtarka onlaynka.

Guudmarka Daryeelka

Sida adeegyada dhakhtarka onlaynka ahi u shaqeeyaan

Dhakhtarka Loo Baahan Yahay waxa uu fursad siinayaa dhakhaatiirta shahaado ka haysta guddiga, dhakhaatiirta dhimirka ama dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ee shatiga leh iyada oo loo sii marayo shir muuqaal ah oo lacag yar ah ama kharash la'aan ah qorshayaasha qaar. * Waxaad ku xiriiri kartaa muuqaal ahaan meel kasta - gurigaaga, shaqadaada ama xitaa fasaxa.

Adeegso abka Dhakhtarka Loo Baahan Yahay ama website-ka si aad ula hadasho dhakhtarka marka ay kugu habboon tahay. Waxa kale oo aad ballansan kartaa booqasho muuqaal ah. Booqashooyinka daryeelka caafimaadka aya la heli karaa 24/7 iyo booqashooyinka daryeelka caafimaadka dhimirka aya lagu heli karaa ballan laga bilaabo 7 subaxnimo ilaa 11 galabnimo waqtiga maxaliga ah, todoba maalmood usbuucii.

Marka aad diyaar u tahay inaad la kulanto, si toos ah ula xiriir dhakhtarka adigo isticmaalahayo taleefoon casri ah, tablet-ka ama kumbuyuutar oo leh kamarad hore u soo jeedda. Sithaas ayay u fududahay.

Muxuu daawayn karaa dhakhtarka onlaynka?

Dhakhtarka onlaynka ah waxaad ka heli kartaa qiimeyn, ogaanshaha iyo daaweynta - xitaa wuxuu qori karaa dawooyin wuxuuna kuu dalbi karaa baaritaannada shaybaarka marka loo baahdo - inta lagu jiro booqasho muuqaal ah. Xaaladaha Qaar ee dhakhtarka Loo Baahanyahay uu daweyn karo waxaa ka mid ah:

qanda/hargabmatagid
cune xanuundibaatoyinka indaha
jeermiska kaadi mareenkadhaawacyada isboortiga
dibaatoyinka maqaarka/cuncukaxanuunka safarka
shubanxasaasiyad

Waxaad sidoo kale ku booqan kartaa dhakhtarka cilmi-nafsiga ee sharciyeyesan ama dhakhtarka dhimirka ee ansixiyeen-guddiga ballan wixii ah inuu ka caawiyo walaaca, bulshadawalbahaarky, qabtiinka, dhibaatooyinka xiriirka, ama naxdinta ama waayista.

Immisa ayuu ku kacayaa Dhakhtarka loo bahanyahay?

Isticmaalka Dhakhtarka loo baahanyahay waxay ku kacaysaa wax aad uga yar markaad aado rugta daryeelka degdega ah ama qolka xaaladaha degdegga ah.

Qiimaha saxda ah wuxuu ku xiran yahay faahfaahinta qorshahaaga iyo xaaladaha qaarkood (Cilmi-nafsiga), qadarka booqashadaada. Gal abka ama website-ka si aad u aragto lacagta kugu kacayso ka hor inta aanad wicitaan samaynin. Qaar ka mid ah ama dhammaan kharashka ayaa lagaa yaabaa in laga caymiyo, taas oo ku xiran caymiska qorshahaaga caafimaad.*

Is diwaangeli si aad u aragto dhakhtarka onlaynka

Dakhtarka Loo Baahanyahay wuxuu diyaar u yahay daryeelka caafimaadka 24 saacadood maalintii, todoba maalmood usbuucii. Ballamaha caafimaadka dhimirka ayaa la heli karaa laga bilaabo 7 subaxnimo ilaa 11 galabnimo waqtiga maxaliga ah, todoba maalmood usbuucii.

Iska diiwaangeli maanta ama soo dejiso appka si aad u abuurto koontadaada Doctor On Demand:

*Fiiro gaar ah: Iyada oo ay ku xirantahay qorshahaaga caafimaad, qayb ama dhammaan kharashka ayaa laga yaabaa in la caymiyo. Ka hubi Blue Cross si aad u hesho macluumaad gaar ah oo ku saabsan qorshahaaga. Qiimaha ayaa isbedeli kara

Doctor On Demand® waa shirkad madax-banaan oo bixisa adeegyada caafimaadka tignoolajiyada.

Doctor On Demand® waxay u shaqeysaa iyadoo la raacayo sharciyada gobolka. Laga bilaabo Ogosto 2017, Dakhtarka Loo Baahanyahay wuxuu ka bixinayaa daryeelka caafimaadka ee habdhaqanka dhammaan gobolada ay adeegyada caafimaadka dhimirka diyaar u yihiin guud ahaan bukaanada Dhakhtarka Loo Baahanyahay, iyo daryeelka caafimaadka dhammaan 50 gobolada iyo Degmada Columbia. Dakhtarka Loo Baahanyahay looguma talo galin inuu ku bedelo sanadle, booqasho shaqsi ahaaned oo lala yeesho dhakhtarka daryeelka aasaasiga ah.** dhakhaatiirta Dakhtarka Loo Baahanyahay ma qoraa walxo la kantaroolo, waxayna dooran karaan inaanay dawayn ama ay qorin dawooyin kale iyadoo lagu salaynayo waxa caafimaad ahaan ku haboon.