U oggolow wakiilka gaarka ah
Xubnaha Medicare Advtange iyo kaalmada caafimaadka (Medicaid) waxay dooraan karaan inay u Oggolaadan Wakiilka Shaqaalaha inuu isicmaalo kooxda-sadexaad codsiga caafimaadka iyaga oo wakiil ka ah.
Sida loo suurtageliyo gelitaanka wakiillada
Raac tallaabooyinkan si aad u oggolaato Wakiilka Shakhsiga ah oo ah xubin ka tirsan Blue Cross and Blue Shield of Minnesota (Blue Cross) inuu galo codsi caafimaad oo koox saddexaad ah oo loogu talagalay xubin kale oo ka tirsan Blue Cross.
Tallaabada 1: Samee akoontiga xubin
Haddii aad hore ciwaan u lahayd, tag Tallaabada 2.
Fiiro gaar ah: Waxaad u baahan doontaa inaad isticmaasho cinwaan email ah si aad u sameeyso akoontiga onlaynka. U hubso in aad isticmaasho cinwaanka email-ka isku mid ah foomka ogolaanshaha ee tallaabada 2.
Tallaabada 2:Buuxinta Foomka ogolaanshaha
Midkood xubinta ama wakiilku waxay u baahan yihiin inay buuxiyaan oo soo gudbiyaan xogta dhijitaalka ah ee siidaynta iyo foomka oggolaanshaha.
Foomka ku dir: boostada, email ama fax:
Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota
P.O. Box 64560
St. Paul, MN 55164
incoming.service.center@bluecrossmn.com
Fakis: (651) 662-7933
Tallaabada 3: Mar kale u eeg codsigaaga dhinac saddexaad
Koontadaada waa inay diyaar ahaataa 2-3 maalmo shaqo kadib markii aanu helnay foomka oggolaanshaha.
Ka dib markaan helno oo farsameyno foomka, wakiilku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu isticmaalo codsiyada dhinac saddexaad ee taageera gelitaanka xogta xubinta Blue Cross.
Kadib waxaad ku noqon kartaa codsigaaga dhinaca saddexaad si aad u hesho macluumaadka xubinta.
Fiiro gaar ah: Codsiyada kooxda-saddexaad waxaa laga yaabaa inay u baahdaan in la sameeyo xisaab u gaar ah si ay u helaan.