Sida loo sameeyo cabasho ama loo soo gudbiyo racfaanka ku saabsan caymiska Medicare

Waxaad samayn kartaa cabasho ama aad buuxin kartaa rafcaan si aad ugu hesho caawimaad xaaladdaada. 

Waxaad samayn kartaa cabasho ama aad xaraysan kartaa rafcaan si aad caawimo ugu hesho xaaladdaada.

Waa muhiim inaad raacdo habka saxda ah ee dhibaatada ku haysata. Dukumeentiyada qorshahaaga ayaa si faahfaahsan u sharaxaya habsocod kasta. Isticmaal linyk-yada ku yalla dhammaadka boggaan si ay kaga caawiso soo gudbinta cabashada ama soo gudbinta racfaanka.

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo si aad cabasho u samayso, codso dib u eegis ama xerayso rafcaan, wac lambarka ku yaal dhabarka dambe ee kaarka aqoonsiga xubinimadaada.

Faahfaahinada

Waxa aad samayn lahayd haddii ay dhibaato ama walaac ku qabsato

Waxaa jira laba nooc oo habraac ah oo lagu xallinayo dhibaatooyinka iyo walaacaaha. Qandaranska xubintada,Caddaynta caymiska, Buug-gacmeedka Xubinta ama Caymiska Kooban iyo shaac ka qaadista waxaa ku macluumaad faafaahsan ee ku saabsan hanan walba. Habka aad isticmaalayso waxa uu ku xiran yahay nooca dhibaatada ku haysata: 

Go'aannada caymiska iyo racfaannada

Isticmaal habkan haddii dhibaatadu ku saabsan tahay caymis ama lacag bixinta adeegyada caafimaadka ama daawooyinka dhakhtar qoray. 

Tusaale ahaan, waxaad weydiisataa go'aamada caymiska si aad u ogaato:

  • Haddii qorshahaagu uu cayminayo adeeg ama daawo ka hor inta aanad helin daryeel
  • Intee caymis ayuu qorshahaagu uu ku bixiyaa adeega
  • Intee in le'eg ayaanu ku bixin doonaa adeeg caafimaad ama daawada

Waxas sido kale na waydiin kartaa in aanu dib u eegno ama aan bedelno go'aanka caynsanaanta ee aanu gaarne anagoo xeraynay rafcaan.

Habka Cabashada

Isticmaal habkan haddii dhibaatadu aysan la xiriirin faa'iidooyinka ama caymiska. 

Tusaale ahaan, waxaad samayn kartaa cabasho ku saabsan:

  • Tayada daryeelka
  • Waqtiyada sugitaanka
  • Adeegga macmiilka
  • Nadaafadda
  • Ilaalinta qarsoodiga
  • Xogta aad naga hesho
  • Waqti ayay qaadanaysaa in aad naga hesho go'aanka caymiska

Weydiinta go'aanka caymiska ama samaynta rafcaan

Waxaad na waydiin kartaa adeegyada caafimaad ee aanu caymin doono. Waxaad sidoo kale na weydiisan kartaa inaan bedelno go'aanka aan ka gaadhno faa'iidooyinka iyo caymiskaaga. 

Weydiiso go'aan caymis ka hor inta aanad helin adeeg caafimaad. Waanu kuu sheegi doonaa haddii aanu cayminay iyo inta aanu bixin doono.

Haddii caafimaadkaagu u baahan yahay oo aad u baahan tahay jawaab degdeg ah, codso go'aan degdeg ah. Waxaan kaga jawaabi doonaa 72 saacado gudahood kadib markaan helno codsigaaga. Go'aanka caymiska caadiga ah, waxaanu kaga jawaabi doonaa 14 maalmo gudahood kadib markaan helno codsigaaga. 

Racfaan gudbi haddii aanu kuu shegnay in aanu u bixin doonin ama aanu u caymin doonin kharashka adeegga caafimaadka sida aad rabto. Dib ayanu u eegi doona go'aanka oo waxaanan ku ogaysiin doonaa inaan badali doono iyo inkale.

Haddii caafimaadkaagu u baahan yahay, waxaad codsan kartaa rafcaan degdeg ah oo ah adeeg aanad hore u helin. Waxaan ku siin doonaa jawaab gudaha 72 saacadood ka dib markii aan helno codsigaaga. Haddii racfaankaagu u baahan yahay wakhti dheeraad ah oo dib u eegis ah, waxa laga yaabaa inaan ku qaadano ilaa 14 maalmod si aan jawaab kuu siino.

Racfaanada caadiga ah, waxaanu kaga jawaabi doonaa 30 maalmod gudahood kadib markaan helno codsigaaga. Haddii racfaankaagu u baahan yahay wakhti dheeraad ah oo dib lloogu eego, waxa laga yaabaa inaan ku qaadano ilaa 14 maalmod oo dheeri ah si aan jawaab kuugu siino. Racfaannada la xiriira lacag bixinta adeegyada aad hore u heshay, waxaanu kaga jawaabi doonaa 60 maalmod gudahood kadib markii aanu helno codsigaaga.

Haddii aan kugu dhahno maya dhammaan ama qayb ka mid ah racfaankaaga, waxaad dooran kartaa inaad hore u sii wadato racfaankaaga. Waxaa jira shan heerar oo racfaan ah. Ka eeg dukumeentiyada qorshahaaga wixi macluumaad dheeraad ah.

Samaynta cabasho

Waxaad samayn kartaa cabasho ku saabsan tayada daryeelka aad hesho, wakhtiyada sugitaanka, adeegga macaamiisha iyo walaacyada kale. Samaynta cabashada waxa kale oo loo yaqaan "xeraynta cabashada." 

Waxaa jira laba tillaabood oo cabasho lagu xareeyo:

1 Isla markiiba nagala soo xiriir telefoon ama inoso qor.

  • Wac lambarka adeegga macaamiisha ee ku yaal dhabarka dambe ee kaarkaaga aqoonsiga. Haddii aad u baahan tahay inaad qaado tillaabooyin dheeri ah, waan ku ogeysiin doonaa
  • Haddi aad door bidayso, waxaad ku sharaxi kartaa dhibka asgoo qoraal ah oo aad waxad na waydiin kartaa inaan xalino. Waa inaad cabashadaada noogu soo dirtaa boostada gudaha 60 maalmood ee dhacdada. Cinwaanada boostada ee hoos ku qoran.

2 Waan fiirineynaa cabashadaada waxaana ku siineynaa jawaab.

  • Xaaladaha uu caafimaadkaagu khatar ku jiro, waxaad codsan kartaa go'aan degdeg ah. Waxaanu kaga jawaabi doonaa 24 saacadood gudahooda marka aanu helno cabashadaada waxaanu kuu sheegi doonaa haddii aanu kugu raacsanahay iyo haddii kale. 
  • Cabashooyinka caadiga ah, waxaanu kaga jawaabi doonaa cabashadaada gudaha 30 maalmod kadib markaan helno. Haddii aan u baahanahay maalmo dheeraad ah, waxaan kuugu sheegi doonaa qoraal ahaan. Waxaan qaadan karnaa ilaa 14 maalmod dheeraad ah si aan uga jawaabno cabashadaada haddii loo baahdo.
  • Waan kaga jawaabi doonaa haddii aan kugu raacno cabashadaada iyo haddii kale.
  • Haddii aanaan ku rcsanayn ama aanan mas'uul ka ahayn dhibaatada, waan ku ogeysiin doonaa oo kuu sheegi doonaa sababta. 

Macluumaad dheeraad ah

Halkee laga heli karaa macluumaadka kujira agabyada xubintaada

Heshiiskaaga xubin, Caddaynta Caymiska, Soo koobida Caymiska iyo Shaac ka qaadista ama Buug-gacmeedka Xubinta wuxuu sharraxaya faafaahinta sida loo sameeyo cabasho ama loo soo gudbiyo racfaan. Waxaan kugula talineynaa inaad gasho koontadaada xubin si aad u hesho qalabka gaarka ah ee qorshahaaga. Gal

Waxaad sidoo kale ka heli kartaa agabkan qorshahaaga bogga Medicare plan documents page

Xubnaha qorshaha SecureBlue ayaa laga heli karaa Buug-gacmeedka Xubinta iyo macluumaadka kale halkaan.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan racfaanada

Haddii aad rabto macluumaad ku saabsan sida loo helo lambarada wadarta ee murugada, racfaanad, iyo ka reebanaanta lagu buuxiyey qorshaha, waxaad wici kartaa adeegga macmiilka. Waxa kale oo aad wax ka weydiin kartaa qiimaynta waxqabadka qorshaha oo ay ku jirto sida ay u qiimeeyeen xubnaha qorshaha iyo sida uu ula barbar dhigay qorshayaasha kale ee caafimaadka ee Medicare.

si aad u codsato macluumaadkan, fadlan wac lambarka telefoon ee adeegga macmiilka ee ku qoran qeybta dambe ee kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta , 8 a.m. to 8  p.m., maalin walba.

Macluumaadka xiriirka

Halkee nagala soo xiriiri kartaa cabashooyinka iyo rafcaannada caafimaadka?

Ciwaanka boostada:

Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota
P.O. Box 982800
El Paso, TX 79998-2800

 

Lambarada adeegga macmiilka:

Qorshayaasha Advantage (PPO) ee Medicare: 1-800-711-9865, TTY 711

Qorshayaasha (Kharash) ee Platinum Blue: 1-866-340-8654, TTY 711

Qorshayaasha Dheeraadka ah ee Medicare: 1-800-531-6686, TTY 711

 

Nambarada faakiska:

Qorshayaasha Advantage ee Medicare:6516627364

Qorshayaasha Platinum Blue }6516627364

Qorshayaasha kaabida Medicare: (651) 662-9515

 

Wixii ah xubnaha Blue Plus / SecureBlueSM

Ciwaanka boostada:

Blue Plus / SecureBlue
Xarunta Helida Blue Pus
P.O. Box 982816
El Paso, TX 79998-2816

Lambarka adeegga macmiilka: 1-888-740-6013 (TTY 711)

Lambarka faksiga: (651) 662-6287

8 subaxnimo ilaa 8 galabnimo Waqtiga Dhexe, Isniin ilaa Jimce, Abriil 1 illaa Sebtembar 30. Waxaa nala heli kara todobada maalmood ee usbuuca Oktoobar 1 ilaa Maarso 31.

Halkee nagala soo xiriiri kartaa cabashooyinka daawada dhakhtar qoray & racfaan

Ciwaanka boostada:

:
Diginiin: Waaxda Murugada Medicare
P.O. Box 64813
St. Paul, MN 55164-0813

Wixii ah MedicareBlueSM qorshayaasha Rx :
MedicareBlue Rx
Xarunta Helida Cabashada iyo Murugada
P.O. Box 22348
Tampa, FL 33631

 

Lambarada adeegga macmiilka:

Platinum Blue oo leh qorshayaasha Rx: 1-800-489-7336, TTY 711

Qorshayaasha Faa'iidooyinka warqada dawada ee dhakhtar qoray (MAPD) ee Medicare Advantage: 1-800-490-1251, TTY 711

MedicareBlueSM Rx qorshayaasha: 1-888-832-0075, TTY 711

 

Nambarada faakiska:

warqada dawada dhakhtar qoray ee Medicare Advantage (MAPD) iyo Platinum Blue ee leh qorshayaasha Rx: 1-888-285-2242

MedicareBlueSM qorshayaasha Rx: 1-855-874-4705

Blue Cross waxay bixisaa qorshayaasha PPO, Qiimaha iyo PDP ee qandaraasyada Medicare. Ku-biiritaanka qorsha-yaashaan waxay ku xiran tahay cusboonaysiinta qandaraaska. SecureBlueSM waa qorshe HMO SNP ah oo leh heshiis Medicare ah iyo qandaraas lala galayo barnaamijka Medical Assistance ee Minnesota. Iska diiwaangelinta SecureBlueSM waxay ku xiran tahay cusboonaysiinta qandaraaska.

S5743_091024_N01_M
Y0138_091024_ N01_M