Labo qof oo qaangaar ah oo xabadka is galinaya iyaga oo qoslaya.

2025 Qorshayaasha Blue Cross Medicare

Dookhyada qorshaha Medicare ee leh marinka 97% dhakhaatiirta joogta Minnesota1

Raadi qorshayaasha laga helayo aagaaga

Isbarbardhig caymiska qorshaha, kharashaadka, iyo faa'iidooyinka dhinac-ilaa-dhinac.

Hel hagida caawinta ee helitaanka qorshaha saxda ah

Aan ka caawino hagida helida qorshaha buuxiya baahiyahaaga.

Arag haddii dhakhtarkaaga iyo farmashiyahaaga ay ku jiraan shabakadda haddii daawooyinka la daboolay.

Sahminta qorshayaasha Medicare

Maxaad u dooranaysaa Blue Cross?

Waxaad ku kalsoonaan kartaa qorshaha Blue Cross iyo Blue Shield of Minnesota inuu leeyahay waxa aad u baahan tahay, oo ay ku jiraan helitaanka bixiyayaasha tayada leh, caymiska heer sare ah iyo faa'iidooyinka buuxinaya baahiyahaaga.

SVG

Helitaanka 97% dhakhaatiirta Minnesota,¹ oo ay ku jiraan Allina Health, HealthPartners, Mayo Clinic®, Park Nicollet iyo kuwo kale.

SVG

Ku dhawaad 95% ee xubnaha ayaa ilaalinaya qorhshahooda Blue Cross Medicare²

SVG

U adeegida Minnesota sida samo fala ah in ka badan 90 sano

SVG

Qiimeynta ugu sareya waa xubnaha Medicare ee adeegga macmiilka³

Qorshe-yaashayada Medicare

Qorshaha Blue Cross and Blue Shield of Minnesota Medicare wuxuu kaa caawin karaa buuxinta farqiga ee Medicare asalka ah iyo maareynta kharashaadka jeebka-ka-baxsanaga.

Medicare Advantage (Part C)

Qorshayaan waxay bixin labo qorshe oo ah noocyada caymiska 

  • caymiska caafimaadka-kaliya (Parts A iyo B)
  • Midowga caafimaad iyo cymiska daawada dhakhtar qoray Part D).

Tani waxaa ku jira faa'iidooyinka dheeraadka ah sida ilkaha, arraga iyo maqalka.

Medicare Cost

Qorshayaan waxay bixin labo qorshe oo ah noocyada caymiska

  • caymiska caafimaadka-kaliya (Parts A iyo B)
  • Midowga caafimaad iyo cymiska daawada dhakhtar qoray Part D).

Tani waxaa ku jira faa'iidooyinka dheeraadka ah sida ilkaha, arraga iyo maqalka.

Waxaa laga helaya oo kaliya 21 ismaamulada Minnesota

Kaabida Medicare (Medigap)

Qorshayaan waxay bixiyaan caymiska caafimaadka-kaliya (Parts A iyo B).

Faa'iidooyika waxaa sameeya dib u cusbooneysiinta ita aad bixineyso khidmada caymiska.

Waxaad dhisi kartaa qorshaha Kaabaha Medicare si aad u daboosho baahiya-haaga.

Daawada dhakhtar qoray (Part D)

Qorshaha daawada dhakhtar qoray ee gooni u taaga ah ayaa ka caawinaya maareynta qorashaadka daawada dhakhtarka kuu qoraya.

Qorshahan lagu xiri karaa Medicare Parts A iyo B, ee leh qorshaha kharashaadka caafimaadka-oo kaliya.

Xulashooyinka Caafimaadka Waayeelka Minnesota (MSHO)

Qorshaha caafimaadka, waxaa loogu yeera SecureBlue (HMO SNP) waxaa loogu talagalay dadka da'doodu tahay 65 iyo wixii ka weyn oo u qalma.

Waxay kulminaysaa Medicare iyo Medical Assistance (Medicaid) hal qorshe.

Baro oo go'aanso

Lamaane waayeel ah oo ku fadhiya turnbooyinka

Ma cusbontahay Medicare?

Hadii aad tahay hawlgab ama ku dhawdahay 65 waxaan ka caawin karnaa inaad barto Medicare aasaasiga ah waxaana ka caawin karnaa u diyaargarowga iska diiwaangelinta qorshaha ee adiga kugu haboon.

Taageero iyo agabyo

Hel caawinta Medicare

SVG

Dukumentiga Medicare & ilaha

Hel dukumentiyada qorshaha Medicare ee muhiimka ah oo ay ku jiraan tusaha bixiyaha, dulmarka faa'iidooyinka, foomamka diiwaangelinta iyo dheeri.

Dalabka xirmadada isdiiwaangelinta Medicare

Dalabka raadinta adeeg bixiyaha, raadinta ilkaha, isbeddelka ee ogeysiisnta sanadlaha ama Caddaynta caymiska

SVG

Iska diiwaangeli telefoonka

Na soo wac si aad ula hadasho khabiirka Medicare.

1-855-579-7658
(TTY wac 711)

Caawimadu waxay diyaar tahay kabilaabato
8 a.m. ilaa 8 p.m. Waqtiga Bartamaha, maalin walba

is qor maanta

1Dhakhaatiirta qandaraaska haysta ee Medicare marka loo barbardhigo xogta gudaha Blue Cross iyo Blue Shielda ee Minnesota, Abriil 2024. Qaar ka mid ah xayiraadaha shabakadda ayaa ku dabaqnaan kara.

2Calaamada sare ee bilaha isdiiwaangelinta Medicare ee Jaanayo 31, 2024,loo barbardhigay Desember 31, 2023.

3Ku saleysan 2023 natiijooyinka CAHPS. Sannad walba, Medicare waxay qiimayn ku samaysaa qorshe-yaasha oo ku salaysan 5-habka qiimaynta star. Macluumaadka qiimeynta Star waxay ku tallaa medicare.gov/plan-compare. Wii ah 2023, Blue Cross iyo Blue Shield of Minneosta ayaa helay Qiimaynta Xigta qorshaha soo socota ee Medicare: 4.5

Blue Cross waxay soo ban dhigaysaa kharashka, PPO, iyo qorshe-yaasha PDP oo leh qandaraasyada Medicare. Ku-biiritaanka qorsha-yaashaan waxay ku xiran tahay cusboonaysiinta qandaraaska.

S5743_091024_N01_M
Y0138_091024_ N01_M