Koox waayeel ah oo jimicsi sameynaya.

Barnaamijka jirdhiska SilverSneakers ee Waayeellada

Ku hagaaji guud ahaan caafimaad-kaaga iyo fayoobidaada dhaqdhaqaaq joogta 

Faafaahinada faa'iidada

Waa maxay SilverSneakers?

SilverSneakers® waa barnaamij caafimaad iyo jimicsi oo loogu talagalay dadka waaweyn 65+ kaas oo ku jira qorshayaasha caafimaadka Medicare ee u qalma Blue Cross Medicare Advantage, Platinum BlueSM, Senior GoldSM iyo kaabida kale ee Medicare nt iyo SecureBlueSM plans).

Waxay bixisaa marin u helitaanka kumanaan meelaha jirdhiska1 ee dalka gees-ka-gees. Laga bilaabo miisaanno iyo mashiinno ilaa casharro kooxeed2 oo ay hoggaaminayaan barayaal tababaran, waxaa halkaas ka jira xulashooyin lagu kala dooranaayo dhammaan heerarka jirdhisidda.

Intaa waxaa u dheer, SilverSneakers wuxuu bixiya fursaadaha kobcinta maskaxda halkaas oo xubnaha ka baran karaan xirfado cusub iyo sii wadista nolosha cimriga dheer.

Barnaamijkaani wuxuu ka caawinayaa xubnaheena hagaajinta caafimaad-kooda, inay kuwo madax-bannaan noqdaan, iyo inay sii wataan waxayaalihii ay jeclaayeen inay sameeyaan. 

Jiimamkee baa ka qeyb qaata SilverSneakers?

Waxaa jira kumannaan meelood oo ka qeyb qaata1 oo goonyaha Maraykanka, oo lagu daray casharro laga bixiyo goobo dadweyne oo dheeri ah, sida beeraha tamashleynta iyo xarumaha bulshada. Dhammaan xubnuhu waxay aadi karaan dhammaan meelahaan kumana koobna aadista meel qura

Xarumaha yo fasallada way kala duwan yihiin goob ahaan.1 jiimka maxaliga ah,, xarunta waayeelka ama meel kale ayaa laga yaabaa inay leedahay barkad, raad raaca socodka gudaha, cayil la'aan, qalabka wadnaha garoomadaha pickleball iyo wax badan.

Hel Meel jirdhisa oo ka qeyb qaadanaysa SilverSneakes

Raadi fasalada jimicsiga ee bulshada ku saleysan ee ku dhaw adiga

SVG

Ma ahan kharash dheeraad ah

Haddii aad leedahay SilverSneakers included ee ku jira qorshaha caafimaadka ee Medicare, waxaad heli doontaa xubnimada perks kharash la'aan.

Ilaha waxbarashada

SilverSneakers waxay bixisa ilaha waxbarashada si looga taageero hanaanka nolosha oo caafimaad qab ah. 

Maqaalada caafimaad qabka ah

Ka akhriso maqaalada caafimaadka guud ee ku saabsan jimicsiga, caafimaadka, nafaqada, nolosha wanaagsan iyo wax badanSilverSneakers.com.

Fasalka onlaynka ee tooska ah

SilverSneakers waxay bixisaa fasallo toos ah oo online ah iyo aqoon kororsiyo ay hogaaminayaan macalimiin si gaar ah u tababaran, iyadoo la helayo boqolaal fasallo todobaad walba oo ku habboon dhammaan heerarka iyo kartida.

Fiidiyowyada jimicsiga

Hel maktabad online-ka u gaar ah oo ka kooban boqolaal fasalada jimicsiga, fiidiyowyo fayoqabasho iyo barnaamijyo jimicsi oo loogu talagalay dhammaan danaha iyo awoodaha. Daawo marka aad rabto, inta aad jaceshahay.

App-ka moobyalka

Isticmaal SilverSneakers GO mobile app si aad u hesho ilaha barnaamijka shakhsiga ah, qorshayaasha jimicsiga la sixi karo iyo waxyaabo kale.

Burnalong

Ku raaxayso Burnalong®3 helitaanka taageerada bulshada foogaan iyo kumaan fasal oo loogu talo dhammaan kuwa xiiseyanaya iyo awoodaha.

GetSetUp

GetSetUp4 waxay bixisaa helitaanka boqolaal fasallo fudud oo ay hogaaminayaan-faca, oo ay ka mid yihiin cunto karinta, safarka, teknolojiyadda, iyo wax badan.

Bilow

Sida eey ku bilaawatay

Haddii aad hadda tahay xubin ka tirsan Blue Cross oo aadan hubin inaad u qalanto SilverSneakers, fadlan waxaad hubisaa tafatirrada caymiskaaga ama wac lambarka adeegga macmiilka ee ku qoran dhabarka kaarkaaga aqoonsiga.

1. Diiwaangelinta SilverSneakers ID

Hel lambarkaaga ID SilverSneakers oo maanta isdiiwaangeli. Waxaad ka helaysaa xibinnimada jirdhiska meelaha ka qeyb qaadanaya xaydaabka SilverSneakers iyadoon adiga qarash kuugu fadhiyin.

Wac 1-833-226-1271

2. Raadi dookhyada jimicsiga.

Waxaad iska diiwaangelinta fasalka onlaynka ah adiga gurigaaga jooga oo raadi qeybgalida kugu haboon goobaha jimicsiga ee kugu dhaw.

Isdiiwaangalinta fasalada

Raadi goobaha

Ilaha kale ee caafimaad qabka

Thrive majaladda and iyo bogga Thrive waxay ku jiraan tablet-ka.

thrive. majaladda

thrive. majaladda waxaa daabaca saddex jeer sanadkiiba Blue Cross iyo Blue Shield of Minnesota iyo Blue Plus si gaar ah loogu talagalay xubnaha Medicare ee qorshayaasha caafimaadka Platinum BlueSM (Cost), Medicare Advantage (PPO) iyo SecureBlueSM (HMO SNP). 

Akhri macluumaadka caafimaadka ee muhiimka ah sida jimicsiyada dhaqdhaqaaqa fudud, ka hortagga dhicidda, maareynta xanuunka, firfirconida dhimir ahaan iyo jimicsiga iyo wax badan.

Qof weyn oo qiimeyanada warqaddaha oo waayeel ku fadhiyo fadhiga.

Daryeel bixiye Corner

Ilaha iyo taageerada loogu talagalay daryeelayaasha waayeelka 60 iyo ka weyn. 

  • Hel macluumaad qiimo badan
  • Ka caawi naftaada inaad u diyaargarowdo hal xiraalaha
  • Baro wax badan oo ku saabsan ilaha la helayo
  • Ka maqal daryeel bixyaasha kale

SilverSneakers® astaan-ganacsiyeedka ka diiwaan gashan eeTivity Health, Inc., waana shirkad madax-bannaan oo bixisa barnaamijyo caafimaad iyo jirdhisid. Blue Cross Medicare Advantage, Platinum BlueSM, Senior GoldSM iyo Kaabista kale ee Medicare iyo qorshayaasha kale ee u qalmna SecureBlueSM.

1Goobaha ka qaybgalka ("PL") ma laha ama ma shaqeeyaan Tivity Health, Inc. ama xulafooyinka. Adeegsiga kaabayaasha PL iyo meelaha tamashlaha wuxuu ku kooban yahay xeerar iyo shuruudaha xubin-ahaanshaha asaasiga PL. Kaabayaasha iyo meelaha tamashluhu PL waa ku kala duwan yihiin.

2Xubinnimada waxay ka kooban tahay fasallada kooxda jir dhiska ee ay hogaaminayaan macalimiinta SilverSneakers. Meelaha qaarkood waxay xubnaha siiyaan casharro dheeri ah. Meeluhu casharrada waa ku kala duwan yihiin.

3Burnalong® waa astaanta diiwaangashan ee Burnalong, Inc, oo ah shirkadd madaxbannaan oo bixisa fasallada jimicsiga ee khadka tooska ah.

4GetSetUp waa bixiye kooxda-sadexaad oo aan laheyn ama aan ka shaqeynin Tivity Health, Inc. ("Tivity") ama xulafadeeda Isticmaalaysha waa in heystan adeeega internet-ka GetSetUp Qiidmada internet-ka waa masuuliyadda isticmaalaha.

S5743_091024_N01_M
Y0138_091024_N01_M