Daryeelka kahortagga maadaama aad gaboobayso

Baro wax ku saabsan adeegyada kala duwan ee daryeelka ka hortagga kaas oo kaa caawinaya inaad hesho daryeelka aad u baahan tahay.

Dulmar

Maadama aad koreyso, hubaantii waxaad la kulantay isbeddelada maskaxda iyo jirka.

Qorshahaaga Medicare waxaa ku jira adeegyada kala duwan ee daryeelka ka hortagga kaas oo ku siinaya fursado aad ku weydiiso su'aalo ama ku sii xirnaanto adeeg bixiyashadaada daryeelka caafimaadka ku jira yolalka daryeelka caafimaadka iyo sida aad dareemayso.

Adeegyada daryeelka ka hortagga waa booqashooyinka dhakhtarka ama adeeg-bixiyaha daryeelka caafimaadka kale marka aad gabi ahaan dareemayso caafimaad. Booqashooyinkan sidoo kale waa qaabka ugu muhiimsan si loo aqoonsado xaqiiqooyinka khatarta ah ama dhibaatooyinka hore, si aad u hesho caawin ama daryeelka aad u baahan tahay.

Ma jiraan hal lambar oo la eg dhammaan nidaamka ka hortagga, laakiin waa kuwaan booqashooyinka aan ku talinayno dhammaan safarka caafimaadkaaga.

Adeegyada daryeelka ka hortagga

Qof weyn oo la hadlayo dhaqtar.

Ku soo dhawoow Booqashada Medicare

Waxaa loogu talo galay xubanaha Medicare

Daryeelka caafimaadka wanaagsan wuxuu ku bilowdaa Soo dhaweynta booqashada Medicare. Booqashadan waxaa la daboolaya inta lagu jiro 12 bilaha koowaad ee aad leedahay Part B ee Medicare. Waxay ka caawinaysa aasaaasiga marka loo barbardhigo wixii ah isbeddelada caafimaadka in muddo ah.

Soo dhawaynta booqashada Medicare adeeg bixiyaha caaadi ahaan:

  • Dul mar caafimaadka iyo taariikhda qoyskaaga
  • Dib u eeeg wixii ah xaaaladdo caafimaadka aad qabto iyo dawooyinka ama kaabayaasha aad qaadato.
  • Waxaad iska fiirin kartaa dhiig karka, araga, miiska iyo dhiriirka.
  • Hubi inaad leedahay baaritaanada ka hortagga ee ugu dambyey iyo tallaalada.
  • Dalbo wixii baaritaano kale ah ee aad u baahan tahay ee ku saleysan taariikhda caafimaadkaaga.
     

La xiriir adeegy bixiyaha (dhakhtarka si jadwaleeyo Soo dhawaynta booqashada Medicare.

Booqashada Fayo-qabka Guriga ee Medicare

Xubnaha Medicare Advantage iyo SecureBlueSM

Haddii aad xubin ka tahay Blue Cross Medicare Advantage ama qorshayaasha caafimaadka SecureBlue, waxaad u qalantaa inaad hesho dhakhtiir aqoon sare u leh caafimaadka ee Signify Health si laguu siiyo adiga iyo Booqashooyinka sanadleh ah ee Fayoqabka Guriga iyadda aad abidaa ka tagin gurigaaga.

Blue Cross waxay la shaqyasa Signify Health si loo bixiyo booqashada muhiimka ah si ay kaga caawiso maareynta wanaagsan ee caafimaadka socda iyo fayo qabka guriga ee kharash kugu aheyn ama aan laheyn kharash qorsoon.

Inta lagu jiro booqashaaada, dhakhtar aad u tabaran ayaa:

  • Cabiri doonaa dhiig karkaaga, wadno garaca, iyo tallaabooyinka
  • Dib u eeg daawoyinka
  • Fiiri wixii ah badqabka khatarada
  • Kala hadal taariikhda caafimaadkaaga
  • Ka jawaab wixii su'aalo caafimaad oo laga yaabo inaad qabto

Waxa aad ka filan karto inta lagu jiro qiimeynta caafimaadka ee gurigaaga.

Ikhtiyaarka booqashada Fayo-qabka Muuqaalka Foogaanta

Waxaan sidoo kale bixinaa adeega muuqalka foogaanta. Waxaad jadwalaysan kartaa booqasho muuqaal ah (onleen) waxaadna kula hadli kartaa dhakhtarka wicitaan muqaal ah adiga oo isticmaalaya kombuyuutar, tablet-ka, ama taleefoon casri ah Isku xiraha jadwalayaha Signify ha ogaaddoo haddii aad rabto Booqashada Fayo-qabka Muuqaalka Foogan.

Marka la dhamaystiro Booqashadaada Fayo Qabka:

Waxaad heli doontaa soo koobid qoran, nuqulna waxaa kuu soo diri doonaa dhakhtarkaaga koowaad.

Waxaan jaclaan laheyn inaan kuu mahadcelino anagoo kuu soo dirayno $25 kaadhka hadiyada marka aad dhammaysato booqashadaada taas oo aad u beddelan doonto agabyada cuntada maqaayad walba ama dukaan walba halkaas oo Mastercard ​​​​​​​ laga aqbalo. Xubnaha u qalma hal kaadhka hadiyada ah oo guriga ah ama booqashada fayo qabka ee dhakhatiirta Signify ee buuxisay isla sanadka kalendherka.

Wac khadka bilaashka ah 1-844-226-8218, TTY 711
Isniin - Jimco 7 subaxdii. - 7 galabtii iyo Sbati 8 subaxdii. - 4:30 galabtii., Wakhtiga Dhexe

Jadwaleyso booqasho

Booqashooyinka Fayo-qabka Sanadlaha ah

Dhammaan xubnaha Medicare

Aan ku cusbayn Medicare?Weli waxaad leedahay caymiska Booqashada Fay Qabka ee taariikh tirsiga sanad walba.

Waxaad u baahan doontaa inaad oggolaato bilaha 12buuxda ee laga bilaabo waqtigaaga soo dhawaynta booqashada Medicare ka hor inta aad yeelanini Booqashada Xigta ee Fayo qabka. Booqashadan dhakhtarkaaga ayaa ka caawin kartaa inaad soo saarto ama cusbooneysiio qorshahaaga ka hortagga.

Booqashada Fayo Qabka Sanadlaha ah waxaa ku jiri karaa:

  • Dul mar caafimaadka iyo taariikhda qoyskaaga
  • Sameeynta ama cusbooneysiinta liiska adeeg bixiyaasha aad aragto iyo daawoyinka aad qadato.
  • Qaadashada cabirista muhiimka ah sid dhiriirka, miisanka iyo dhiig karka
  • Baarista calaamadaha waxyaabaha sida asaaqaha ama walaca
  • Sameeynta liiska arrimaha halista ah iyo ikhtiyaarda lagugu talagalay
  • Ka hadlista wax ku saabsan jadwalka adeegyada ka hortagga sida baarista iyo tallaalada
  • Ka hadlista wax ku saabsan qorsheynta daryeelka degdega ah

La xiriir adeeg bixiyahaaga (dhakhtarkaaga) si aad u jadwalaysato Booqashada Fayo Qabka Sanadlaha.

Baarista Sanadlaha ee Jirka

Dhammaan xubnaha Medicare

Baarista Sanadlahah Jirk waa baaritaan qaab kale oo muhiim ah oo aad dhakhtarkaaga u booqanayso wax ku saabsan caafimaadkaaga. Adeegan waxaa daboolaya qorshaha sanad walba.

Meesha Booqashada fayo qabka Sanadlaha ay ka badan tahay wada shakeysiga ku saabsan taariikhada caafimaadka iyo walaacyada, Baarista Sanadlaha ee Jirka waxay ka badan tahay gacmaha-furan. Dhakhtarka ayaa fiirin doonaa, dareemaya oo dhageysanaya jirkaaga si loo go'aamiyo haddii loo baahan karo baaritaano kale.

Baarista Jirka ee Sanadlaha ah waxaa laga yaaba inay ku jirto:

  • Dib u eegista caafimaadkaaga iyo taariikhda qoyska
  • Qaadashada cabirista muhiimka ah sid dhiriirka, miisanka iyo dhiig karka
  • Baarista xajmiga wadnahaaga iyo neefashada iyo heerkulka
  • Dhageysiga wadnahaaga iyo sambabadaada
  • Baarista indhahaaga,dhagahaaga, dhuunta, maqaarka iyo caloosha
  • Sameeynta liiska arrimaha halista ah iyo ikhtiyaarda lagugu talagalay
  • Ka hadlista wax ku saabsan jadwalka adeegyada ka hortagga sida baarista iyo tallaalada

La xiriir adeeg bixiyahaaga (dhakhtarkaaga) si aad u jadwalaysato Baarista Jirka Sanadlaha.

Baarista ka hortagga

Dhammaan xubnaha Medicare

Caadi ahaan caymiska caafimaadka wuxuu daboola baaritaano badan oo sanadle ah iyo baarista baaritaano ka caawinaya inaad ka hortaggto ama aad ogaato walacyada caafimaadka ee surgtagalka ah, laakiin baaritaanada qaar ma la daboolin. Hubi inaad qorshahaaga loogu talagalay faafaahinta caymiska. Fadlan wac lambarka ku yaal dhabarka dambe ee kaarkaaga aqoonsiga ee xubin haddii aad wax su'aalo ah ka qabto baaritaanka, tallaalka ama caymiskaaga.

Arag tallooyinka daryeelka ka hortagga

 

Marka aad jadwalaysato baarista baaritaanka

Cuduro iyo xaaladdo badan, dhaqsiyadda aad ku ogaato, waa inta ugu badan wax sameeyn karto. Taasi waa sababta ay u wanaagsantahay la shaqeeynaynta dhakhtarkaaga si aad hesho daryeelka ka hortagga ee lagula taliyey.

Dhakhtarkaaga ayaa tixgelin doonaa caafimaadkaaga gaarka ah iyo taariikhda qoyska ee ku talineysa jadwalka baaritaanada adiga kugu haboon, laakiin waxaad isticmaali kartaa tilmaamaha hoose bilowga.

Baarista baaritaankaWaxaa la fiirinayoInta badan
Dhiiga sokorta iyo baaritaanka A1CMacaanadaSadex sano walba ama ka badan si joogto ah haddii arrimaha halista
Baarista cufnaanta laftaLafo-jileecaSanadle
Baarista kolesteroolkakolesterool badan, kaas oo ku keeni karaa cudurShan sano walba ama ka badan si joogto ah haddii arrimaha halista
Baarista malawadkaKansarka mindhiiciirkaSano10 walba ama go'aaminta dhakhtarka
Qiimeynta niyad-jabkaNiyad-jabSanadle
Baaritaanka indhahaArrimaha arragaSadex sano walba ama ka badan si joogto ah haddii arrimaha halista
Baarintaanka maqalkaWaayista maqalkaJoogteynta
Ka baarista naaskaKansarka naasahaLabo sano walba ama go'aaminta dhakhtarka
Baarista PapKansarka ilmo-galeenkaSadex sano walba ama go'aaminta dhakhtarkaaga
Baarista qanjiirka xaniintaQanjiirka xiniintaDhakhtarka ayaa ku talin doona

Taageero iyo agabyo

SVG

Raadi dhakhtar

Isticmaal qalabkeena raadi dhakhtark haddii aad u baahan tahay caawinta hekida dhakhtarka daryeelka aasaasiga ah ee loogu talagalay baaritaanka sanadlaha ah iyo daryeelka ka hortagga.

Signify Health waa shirkad madaxbanaan oo bixinaysa Adeega Booqashada Fayoqabka.

Waxaan muujinaa shabakadda ballaran ee adeeg-bixiyaasha daryeelka caafimaadka. Adeeg bixiye walba waa qandarasle madax-banaan mana ahan wakiilkeena.

Blue Cross Medicare Advantage waa qorshaha PPO oo leh heshiiska Medicare. Is diiwaangelinta Blue Cross Medicare Advantage waxay ku xiran tahay dib u cusbooneysiinta heshiiska. SecureBlueSM (HMO SNP) waa qorshaha caafimaadka taas oo heshiis la ah labada Medicare iyo Minnesota Medical Assistance (Medicaid) si loo bixiyo labada faa'iidooyinka barnaamijyada iska diiwaangeliyaha. Iska diiwaangelinta SecureBlueSM waxay ku xiran tahay cusboonaysiinta qandaraaska.

S5743_091024_N01_M
Y0138_091024_ N01_M