Maxaa sababta aan u helo lacagta booqashada daryeelka ka hortagga?

Daryeelka ka hortagga ah ee aad la yeelanayso dhakhtarkaaga ayaa xooga saareysa caafimaadkaada guud iyo sida loo caafimaad qabo. Laakiin booqashada ka hortaga ah ayaa isku beddeli karto booqashada xafiiska taas oo kharash lacag kugu noqoneyso. Boro sababta.

Dulmar

Goorma ayay noqoneysa booqasho ka hortaga ah booqashada xafiiska?

Booqashada daryeelka ka hortaga ah way ka duwan tahay booqashada xafiiska?

  • Ujeeddada booqashada ka-hortag ah waa in dib loo eego caafimaadkaaga guud, la aqoonsado khataraha, iyo in la ogaado sida loo sii caafimaadayo. Qorshahaaga wuxuu cayminya100% booqasho ka hortag ah marka aad aragto dhakhtarka ku jira qorshaha shabadaada.*
  • Ujeeddada booqashada xafiiska waa in laga wada hadlo ama lagaa daaweeyo walaaca caafimaadka ee gaarka ah ama xaalad. Waxaa laga yabaa inaad lacag bixiso booqashada qeybta ka ah lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo, wadaaga lacag bixinta iyo/ama wadaaga lacag bixinta caymiska.

Haddii aad jadwalaysato booqashada daryeelka ka hortagga ah iyo weydii dhakhtarkaaga wax ku saabsan walaca gaarka aha ee caafimaadka ama xaaladda, ama rugtaada caafimaad ayaa u sameeynayso ballanta lacag bixinta sida booqashada xafiiska.

Haddii aad rabto inaad wax ka ogaato kharashaadka, weydi dhakhtarkaaga qiyaasta lacagaha ka hor booqashadaada. Waxaad sidoo kale wici kartaa lambarka ku yalla qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta. Liiska hoose wuxuu muujinayaa adeegyada la daboolayo inta lagu jiro booqasho ka-hortag ah.

Maxaan uga hadli karaa booqasho ka hortag ah iyada oo wax lacag ah aan la iga qaadanin.

Inta lagu jiro booqashada daryeelka ka hortagga ah, dhakhtarkaaga ayaa eegi doonaa halisyada caafimaadkaaga oo kala hadlaya wax ku saabsan:

  • Caafimaadkada haddda
  • Taariikhdaada caafimaadka
  • Jirooyinkii hore iyo qaliinada
  • Halisyada ayaa laga yabaa inaad leedahay xaaladdaha gaark a ah
  • Sida loogu dadaalo qaab nololeedka caafimaad qabka ah

Farqiga

Booqashada daryeelka ka hor hortagga ah?

Qorshahaaga wuxuu cayminya100% adeegyadan

  • Fiiri miisaankaaga, dhiriirkaaga, heerkulkaaga, dhiig karkaaga iyo wadno garaacaaga
  • Dhageyso wadnahaaga iyo sambabahaaga
  • Baar dhagahaaga indhahaaga dhuuntaada, maqaarkaaga, iyo uur ku jirtaada
  • Tallaalada kala duwan
  • Baaritaanada kansarka kala duwan, sida, naaska, kansarka mindhiciirka, minka, iyo kansarka qooraha
  • Baaritaanada dhiiga qaar si loo baaro sida kolosteroolka ama macaaanka

Booqashada Xafiiska

Waa inaad lacag ka bixisaa adeegyadan

  • Ka wada hadlista ama qaadashada daaweynta walaca gaarka ah ee caafimaadka, xaalada ama dhawaca
  • Shaqada shaybaarka, raajada ama baadhitaano dheeraad ah oo la xiriira walaac caafimaad oo gaar ah, xaalad ama dhaawac

Caymis

Daryeelka ka hortagga ah ee saxda ah ayaa muhiim u ah inay kaa caawiso inaad ku nolaato caafimaad cumri dheer. Baarista ka hortaga ayaa ka caawin karaa in laga hortago cudurka ka hor inta aysan bilaabin waxaana horey loo ogaan karaa dhibaatooyinka, ka hor intaysan sababin dhibaatooyinka darran ee jiradda.

Inta jeer iyo waxaa ay tahay nooca daryeelka ka hortagga ah ee aad u baahantahay ayaa ku xiran da'daada, jinisigaaga, caafimaadkaada iyo taariikhda caafimaadka qoyskaaga. Firii tilmamaaha loogu talagalay raga, haweenka, iyo carrruurta ee ku jira tallooyiknkeena daryeelka ka hortagga ah (PDF).

Daryeelka ka hortagga ah ee Blue Cross iyo qorshayaasha Blue Plus ayaa waxaa cayminaya caymisyada kala duwan. Wac lambarka ku qoran qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta si loo ogaado waxaa ay yihiin qorshayaasha caymisyada.

Raadi dhakhtar oo jadwalayso maanta daryeelka ka hortagga ah.

SVG

Raadi daryeel

Raadi dhakhaatiirta iyo adeeg bixiyaasha ku jirta-shabkadda aagaaga. Gal qorshaha hadda caymiska.

Tani waa macluumaad guud oo ku saabsan sida ay u shaqeyso faa'iidooyinka. Dib u eeg Faa'iidooyinka Koobaan iyo Caymiska iyo buuga faa''iidada qorshaha caafimaadka wixii macluumaad ah oo ku saabsan sida u shaqeeynayo qorshahaaga.

Adiga ayay ku xiran tahay marwalba inaad hubiso haddii aadeg bixiyahaaga ku jira shabakadda qorshaha caafimaadka ka hor inta aadan helin adeegyada. Adeeg bixiyaasha oo dhan ma ku jiraan shabakad walba. Waxaa laga yabaa inaad bixiso lacag badan ama kharashaadka daryeelkaaga caafimaadka oo dhan haddii adeeg bixiyahaaga uu ka baxsan yahay shabakadaadaama uusan qandaras la laheyn Blue Cross (tani waxaa loogu yeera adeeg bixiyaha aan aheyn-ka qeybgalista). Waad xaqiijin kartaa haddii adeeg bixiyahaaga uu ku jiro shabakadda adiga oo wacya lambarka adeegga macmiilka ee qoran qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta.