Durdurida maqaarka: maxay caymisaa caymiska caafimaadka?
Qorsheyaal badan oo caymiska caafimaadka ah ayaa ku jira duridda maqaarka si loo daweeyo xanuunka daba dheeraada iyo calaamadaha kale. Ogow marka la caymiyo.
Qorsheyaal badan oo caymiska caafimaadka ah ayaa ku jira duridda maqaarka si loo daweeyo xanuunka daba dheeraada iyo calaamadaha kale. Ogow marka la caymiyo.
Durdurida maqaarka waxay soo martay waddo dheer tan iyo markii ugu horeysay ee lagu soo bandhigay Maraykanka. Maanta, waa daaweyn kale oo daryeel caafimaad oo inta badan lagu dhex daray daryeel caafimaadka dhaqameed.
Xirfadlayaasha caafimaadka ayaa laga yaabaa inay qoraan durdurida maqaarka si loo daweeyo calaamadaha kala duwan. Waxay caan ku tahay dadka qaba xanuunka dhabarka, qoorta ama jilibka. Durdurida maqaarka waxay sidoo kale kaa caawin kartaa ka hortagga lallabbada la xiriirta kiimoterabiga iyo qalliinka.
Durdurida maqaarka waa dhaqan caafimaad oo ka yimid Shiinaha. Waxaa jira noocyo kala duwan oo durdrida maqaarka ah. Dhammaantood waxaa ka mid ah isticmaalka cirbadaha maqaarka hoostiisa la geliyo si loo kiciyo dhibcaha jidhka oo loo fududeeyo calaamadaha.
Durdurida maqaarka ayaa isbedelay sanadihii la soo dhaafay. Maanta aad ayey uga duwan tahay qaabkii hore oo waliba aad uga badbaado badantahay. Tusaale ahaan, halkii ay dib u isticmaali lahaayeen cirbadaha qalinka iyo dahabka ah, xirfad-yaqaanadu waxay isticmaalaan irbado la tuuri karo oo badbaado leh. Xirfadlayaasha aya maanta sidoo kale laga yaabaa inay kuleyl iyo dareen koronto oo khafiif ah u adeegsadaan cirbadaha si loo hagaajiyo natiijooyinka.
Durdurida maqaarka waxaa laga yaabaa inaysan ku habboonayn xaaladdaada. Waa kan sida lagu ogaado haddii aad ka faa'iidaysan karto daawaynta:
Khatarta durduridda maqaarka waa mid aad u hooseeya markaad aragto dhakhtarka shahaadada haysta. Laakiin daawaynta waxay keeni kartaa waxyeelo halis ah haddii aan si sax ah loo samayn. Dhibaatooyinka qatarta ah waxa ka mid noqon kara caabuqa, dhiig-baxa, xubnaha daloola iyo dhaawaca habdhiska dhexe ee neerfayaasha.
Waa inaad iska ilaalisaa durdurida maqaarka haddii aad:
Impulses-ka elektrooniga ah ayaa faragashan kara shaqadeeda.
Xaaladaha qaarkood, acupuncture-ka wuxuu bilaabi karaa foosha wuxuuna keeni karaa dhalmada waqti hore
Kuwani waxay kordhin karaan fursadahaaga dhiig baxa ama nabarro ka yimaada gelinta irbadda.
Uma baahnid inaad sameyso wax gaar ah si aad ugu diyaargarowdo kulankaaga. Xiliga daawayntaada ugu horreysa, dhakhtarku wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo ku saabsan calaamadahaaga waxaana laga yaabaa inuu baaro qaybaha jirkaaga ee aad xanuunka ka dareento.
Daawadu waxay keentaa xanuun yar. Waa kan sida ay u shaqeyso:
Waxaad u baahan karta wax ka badan hal daaweyn si aad u maareyso calaamadahaaga. Waxay qaadan kartaa ugu badnaan lix ilaa siddeed daaweyn. Inta jeer ee aad u baahan tahay daaweyn waxay kuxirantahay xaaladaada iyo calaamadahaaga.
Dadka qaar ayaa sheegaya in ay dareemeen nasasho daawaynta ka dib. Qaar kale waxay sheegen inay awood badan leeyihiin. Waxay qaadan karta dhawr maalmood ka hor intaadan dareemin isbeddelka calaamadahaaga. Balse haddii ay kaso rayn waayaan dhawr toddobaad gudahood, waxaad u baahantahay inaad isku daydo daaweyn kale.
Qaar ka mid ah qorshayaasha caafimaadka ee Blue Cross ayaa caymiyaan durdurida maqaarka marka ay caafimaad ahaan lagama maarmaan tahay oo uu kuu qoro dhakhtarkaagu. Waxaa laga yaabaa in dhakhtarkaagu kuu qoro durdurida maqaarka si loo daweeyo:
Blue Cross iyo Blue Plus waxay fududeynayaan jawaabaha su'aalahaaga caafimaadka. Haddii aad xubin ka tahay, waxaad haysata galitaanka dhakhaatiirta qaab internetka ah iyo ilo caafimaad oo kala duwan. Gal mareegtaada xubin si aad u raadiso dhakhtar oo aad u aragto 'fayoqabka' khayraadkaaga.
Haddii aadan heysanin caymiska caafimaadka, Blue Cross iyo Blue Plus ayaa bixiya qiimaha kala duwan ee qorshayaasha caafimaadka si loo buuxiyo miisaaniyadaada iyo baahiyaahaga. Dhammaan qorshayaasha caafimaadka waxaa ku jira daryeelka ka hortagga ama caymiska oo ay la socdan qalabyada iyo ilaha si ay kaga caawiyaan inaad caafimaad qabto iyo ilaalinta caafimaadka qoyskaaga oo dhan.
Tani waa macluumaad guud oo ku saabsan sida ay u shaqeyso faa'iidooyinka. Dib u eeg Faa'iidooyinka Koobaan iyo Caymiska iyo buuga faa''iidada qorshaha caafimaadka wixii macluumaad ah oo ku saabsan sida u shaqeeynayo qorshahaaga.
Adiga ayay ku xiran tahay marwalba inaad hubiso haddii aadeg bixiyahaaga ku jira shabakadda qorshaha caafimaadka ka hor inta aadan helin adeegyada. Adeeg bixiyaasha oo dhan ma ku jiraan shabakad walba. Waxaa laga yabaa inaad bixiso lacag badan ama kharashaadka daryeelkaaga caafimaadka oo dhan haddii adeeg bixiyahaaga uu ka baxsan yahay shabakadaadaama uusan qandaras la laheyn Blue Cross (tani waxaa loogu yeera adeeg bixiyaha aan aheyn-ka qeybgalista). Waad xaqiijin kartaa haddii adeeg bixiyahaaga uu ku jiro shabakadda adiga oo wacya lambarka adeegga macmiilka ee qoran qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta.