Qorshayaasha caafimaadka ugu badan ee Cross Blue iyo Shield of Minnesota waxay daboolaan daryeelka chiropractic marka ay qeyb ka yihiin qorshaha daaweynta ee shaqeynaya. Qorshaha dawaynta ee shaqeynaya wuxuu ka dhigan yahay inaad qaadayanayso daryeelka lagu dawaynayo dhawac gaar ah ama xanuunka jira, dawayntada chiropractic-gaaga waxay soo hagajiinaysa calaamadaha. Raadi baxnaaniye ku jira shabakadda qorshaha caafimaadka Blue Cross ama Blue Plus adigoo raadinaya "baxnaaniyaha lafaha iyo murqaha."
Waa maxay daryeelka chiropractor?
Daryeelka chiropractor waa toosinta dabarka, qoorta ama lafdhabarta Waxaa loo isticmaala in lagu yeerayo xanuunka, toosinta arrimaha kala baxyada, lagu daaweya dhawacyada iyo taageerada awooda dabiiciga ah ee si ay isku daaweyso. Inta badan waxaa loo isticmaala lagu daaweyo qoorta iyo dhabar xanuunka. Adeegyada chiropractor waaxa sidoo kale loo isticmaala in lagu daweeyo xanuunka xubnaha, murqo xanuunka joogtada ah iyo murqo xanuunka dabadheeraada.
Intii lagu jiro qiimeynta, chiropractor-rada ayaa sidoo kale laga yabaa inay ka wada haadlaan arrimaha caafimaadka guud sida cuntada isku dheelitiran, nafaqaa,jimicsiga, dhaqamada caafimaad qab iyo isbeddelada qaab nololeedka. Inta badan buukaanada ayaa yeelanaya natiijooyinka wanaagan ee ka yimaadda saxida marka ay ku noolyihiin nolol caafimad qab.
Waxbarashada iyo tababarada loogu talagalay chiropractor-rada.
Qof baranaya daryeelka chiropractor ayaa heli doonaa shahaadada heerka koowaad ee caafimaadka hordhaca ah. Waxay baran doonaa murqaha, seedaha, iyo xubnaha lafdhabarta. Kadib, waxay u gudbi doonaan kulleejo loo aqoonsan yahay oo loo yaqaano chiropractor. Waxay baran doonaan mowduucyadda sida qaab ay shaqeyaan xubnaha bani'aadamka, lafaha iyo nafaqadda inta lagu jiro barnaamijka shanto-sano.
Ugu yaraan4,200 saac oo fasal ah, shaybaarka iyo waayo-aragnimada caafimaadka ayaa loo baahan yahay. Koorsooyiinka waa inay ansixiso Waaxda Waxbarashada ee Mareykanka. Ugu dambeyntii, isaga ama iyada waa inay ku baasaan imtixaanka oo ay helan shatiga chiropractic ee gobolka halkaas oo ay rabaan inay ka shaqeeyaan. chiropractic-yaasha waa dhammeystiri doonaa waxbarasho sanadle ah si ay u cusbooneysiiyaan shatigooda oo ay sii wadaan shaqadooda.