Waa maxay wadaaga lacag bixnta caymiska?

Baro wax u saabsan wadaaga lacag bixinta caymiska iyo sida loo xisaabin karo kharashkaaga.

Wadaaga lacag bixinta caymiska waa waa qaddarka aad bixineyso daryeelka caafimaadka ee daboolan kadib marka aad buuxiso lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo.

Qaddarkani waa boqolkiiba wadarta guud ee kharashka- tusaale ahaan, 20% - qorshaha Blue Cross ayaa daboolaya inta kale.

Waa maxay farqiga u dhaxeya wadaaga lacag bixinta caymiska iyo wadaaga lacag bixinta

wadaaga lacag bixinta caymiska iyo wadaaga lacag bixinta (copayment) waa labadaba siyaabood oo aad kharashka daryeelka caafimaadka kula wadaagto qorshaha caymiskaaga. Qorshagaaga ayaa dejinaya khidmada.

  • Wadaaga lacag bixinta caymiska waa boqolkiiba wadarta kharashka guud ee daryeelka caafimaadka.
  • Wadaaga lacag bixinta waa lacag yar oo go'an oo aad bixinayso waqtiga adeega. Qorshahayaasha oo dhan ma lahan lacag isla bixinta laakiin qorshayaal baddan ayaa leh wadaaga lacag bixinta caymiska.

Baro wax badan oo ku saabsan wadaag lacagta caymiska

 

Goorma ayaan bixinaya wadaaga lacag bixinta caymiska?

Waxaad bilaabaysa inaad bixiso wadaaga lacag bixinta caymiska kadib marka aad gaarto lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo. Qorshahaaga wuxuu la socon doonaa inta lacag aad ku bixiso dhanka lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo. Macluumaadkan waxa uu ku saabsan yahay sharraxidda faa'iidooyinka (SHF) qorshaha caafimaadka ee uu kuu soo dirayo ka dib markii aad daryeel hesho. 

SHDH wuxuu muujinaya intaa aad bixiso wadaaga lacag bixinta caymiska, hadadii wax un, waa inaad bixisa lacag. Waxaad si toos ah uga bixineysa khidmadan xafiiska dhakhtarka, isbitaalka ama farmashiye.

Baro wax badan oo ku saabsan Sharraxidda Faa'iidooyinka

Wax dheeri ah baro

Ogow sida wadaaga lacag bixinta caymiska uu ula shaqeeyo kharashaadka kale ee daryeelka caafimaadka, sidoo kale baro sida iyo cidda aad lacagta ku bixin karto daryeelka caafimaadka.

Xisaabi kharashaadka

Sidee ayaan u xisaabinaya kharashaadkeyga wadaaga lacag bixinta caymiska?

Lacagta aad u baahan tahay in aad bixiso waxay ku xiran tahay "lacagta la ogol yahay" ee uu dhakhtarku ku biilayo adeega. 

Khidmadan waa kharashaka qiimo dhimista taas oo dhakhtarka ku jira qorshaha shabakadda uu oggolyahay inuu qaado.

Tusaalaha sida wadaaga lacag bixinta caymiska kharashaadku u shaqeeyo:

Qorshaha caafimaadka John wuxuu leeyahay 80/20 wadaaga lacag bixinta caymiska. Tani mincnaheedu waa kadib marka uu John buuxiyo lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo, qorshashiisa ayaa 80% daboolaya,John-na wuxuu bixinaya 20%.

Khidma la oggolyahay ee loogu talagalay booqashada dhakhtarka:  $100
Qorshaha Caafimaadka wuxuu bixinaya 80% wadaaga lacag bixinta caymiska: $80
John wuxuu bixinaya 20% wadaaga lacag bixinta caymiska:$20

Booqashadiisa ka hor, John wuxuu iska hubiyey dhakhtarka inuu ku jiro qorshaha shabakadiisa* marka wuxuu heli karaa caymiska ugu badan wuxuuna ka bixinaya jeebkiisa lacag yar. Haddii uu John booqdo adeeg bixiye ka baxsan qorshaha shabadkiisa, waxaa laga yaaba inuu bixiyo lacag badan.

Tani waa macluumaad guud oo ku saabsan sida ay u shaqeyso faa'iidooyinka. Dib u eeg Faa'iidooyinka Koobaan iyo Caymiska iyo buuga faa''iidada qorshaha caafimaadka wixii macluumaad ah oo ku saabsan sida u shaqeeynayo qorshahaaga.


*Adiga ayay ku xiran tahay marwalba inaad hubiso haddii aadeg bixiyahaaga ku jira shabakadda qorshaha caafimaadka ka hor inta aadan helin adeegyada. Adeeg bixiyaasha oo dhan ma ku jiraan shabakad walba. Waxaa laga yabaa inaad bixiso lacag badan ama kharashaadka daryeelkaaga caafimaadka oo dhan haddii adeeg bixiyahaaga uu ka baxsan yahay shabakadaadaama uusan qandaras la laheyn Blue Cross (tani waxaa loogu yeera adeeg bixiyaha aan aheyn-ka qeybgalista). Waad xaqiijin kartaa haddii adeeg bixiyahaaga uu ku jiro shabakadda adiga oo wacya lambarka adeegga macmiilka ee qoran qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta.