Ku soo dhawoow, xubnaha Apogee

Ma u baahan tahay caawin? Fadlan la xiriir adeegga macmiilka Blue Cross 1-866-873-5945, 7 subax ilaa 8 galabnimo.CT, Isniinta ilaa Jimcaha.

Buugaagta yar ee faa'iida, liisaska daawooyinka ka hortagga ah iyo agabyada la xiriira

Qaad tallaabooyin yaryar oo caafimaad qaba si aad u taageerto caafimaadkaaga

Ka hel bixiyeyaal caafimaad oo daboolan shabakada qorshahaaga

Macluumaadka qorshaha

Qorshaha caafimaadka ee Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota, waxaad ka heli doontaa caymis magac aad ku kalsoonaan karto.

Apogee waxay bixisaa Koontada Keydka Caafimaadka (KKC) qorshayaasha iyo qorshaha Koontada Lacag Celinta Caafimaadka (HRA. Qorshaha HRA waxaa la joojin doonaa 2025 ​​​​​​ oo Apogee mar dambe wax kuma kordhin doonto HRA-gaaga. Ma jirto diiwaangelin cusub oo laga oggolaanayo qorshaha HRA2024. Dhammaan sadexda bixiye ee daryeelka ka hortagga iyo caymiska dhammaystiran ee xanuunada iyadda oo la isticmaalyo shabakadda ururka adeeg bixiyaha la doorbidayo (PPO) ee (Blue Cross iyo Blue Shield of Minnesota). Xubnaa shabakaddan waa dhakhtariirta, isibitaalada iyo adeeg bixiyaasha kale ee daryeelka caafimaadka kuwaas oo ogolaaday inay ku soo dhalacaan shaqaalaha Apogee qiimaha gorgortanka gaarka ah iyo ka qeybqaadashada barnaamijyadda xakameynta tayada shabakadda.

Qorshe walba wuxuu bixiya kaydka caafimaadka ama koontada kharshka (HRA, KKC, FSA) kuwaas oo ku dari kara kharashaadkaaga aad u qalmato ee daryeelka caafimaadka.

Caymiska warqada dawada ee dhakhtar qoray waxaa la soo mariya Prime Therapeutics, oo leh Doorshada Shabakadda Farmashiye iyo Habeeyaha KeyRx. Daawooyinka qaar iyo daawada sonkorowga waxaad ku heli doontaa kharash la'aan. Wac 1-866-873-5945 si aad u hubiso haddii daawooyinka hadda lagu soo daray.


Khayraad

La bilow La Taliyaha Blue Care

Marka aad gasho websaydkeena xubin, waxaa lagu hagaajin doonaa La taliyaha Blue CareSM. Waxay kaa caawinaysaa inaad si sahlan ugu xiranto dhamaan dheefahaaga, magdhowyadaada, barnaamijyadaada iyo in ka badan. Waaad heli doontaa macluumaad ku saleysan faa'iidooyinkaaga iyo taariikhda ay la socoto tallaabooyinka aad qaadi karto si aad kor ugu qaado caafimaadkaaga.

Gal mareegta xubin ama soo degso app-ka si aad u bilowdo. 

Gal      Isdiiwaangeli 

Taageerada ladnaan

Blue Cross waxay rabtaa inay ku taageerto fayoobida, kaliya maahan jirro. Tallaabooyin yar yar oo caafimaad qaba ku qaado barnaamijyadan:

  • Barnaamijkada Caawinta Shaqaalaha: Fayo-qabka EAP/Dhimirka, waxaa lagu bixiya Lyra, waxay bixisa ikhtiyaarada daryeelka gaarka, ballmaha, waqtiga dhabta, iyo fursadaha si loo barto xirfadaha cusub iyo la socodka hormarkaaga. Shaqaalaha Apogee waxay u qalmaan 16 muuqaalka foogaan ama booqashooyinka shakhsi aaan ee adeeg bixiyaha. Wac (844) 761-1878 ama booqo lyrahealth.com/apogee
  • Hinge Health: Barnaamijka muuqaalka foogaan ee daawynta jirka ee kaa caawineysa inaad ka bogsato xanuunka dhabarka ama kala goyska, ka kabsato dhawacyada, u diyaargarowdo qaliinka ama caafimaad qabka ama xanuun la'aanta. Kharash kuma ahaan shaqaalaha iyo xubnaha waaweyn ee qoyska. Wac (855) 902-2777 ama booqo hingehealth.com/for/apogee
  • Learn to Live: Waxay bixisa barnaamijyadda onlaynka ah ee xawaraha-iskaada ah ee loogu talo galay in wax looga qabto walaca, walbahaarka, walaca bulshada, hurdo la'aanta ama isticmaalka maandooriyaha. Shaqaalaha iyo xubnaha qoyskooda 13 + ayaa u qalma. Baro wax badan e: Learntolive.com/partners adiga oo isticmaalaya furaha APOG.
  • Qorhshaha Fayo-qabka Grokker:Qaado tallaabooyinka lagu hagajinayo caafimaadka oo hel abaalmarinta. Daawo fiidiyowyada, ku xidh la socdahaaga dhaqdhaqaaqa, iyo iska warbixinta 30 daqiiqaha dheeraadka ah ee hawlaha maalinle ah ee faa'iidooyinka. Booqo grokker.com/apogee si aadu bilowdo.
  • Joojinta tukaabada iyo sigaarka elekrooniga ah:  Ka qaado faa'iidada gaarka ah ee hagida sameynta qorshaha joojinta iyo helida taageerada joogtada ah ee Tababaraha fayoqabka. Booqo bluecrossmn.com ama 1-888-662-BLUE (2583). Wicitaanka adeegsa-dayaashaTTY 711
  • Maareynta Uureyda: Helida taageerada iyo hagida laga helo Tababarka Caafimaadka uureyda. Wac 1-866-489-6948.
  • Ka hortaggaa sokorowga iyo wadne xanuunka:  Hel tababare onlaynka ee aqoonta u leh caafimaadka iyo qalabyada taageerada iyo ilaha, oo ay ku jirto miisaanka dhitjitaalka ah, ee Omada® si loo caawiyoa ka hortagga sonkorowga iyo/ama wadne xanuunka. Booqo omadahealth.com/apogee
  • Barnaamijka Sokorowga:  Ka hel taageerada gaark ah baraha aqoonta u leh sonkorowga (CDE) iyo la socodka sokorowga si loogu maareyo sonkorowgaaga Omada. Booqo omadahealth.com/apogee.
  • Qiimo dhimista fayo-qabka:  Isticmaal Blue365® si u loo keydiyo walxaha fayo qabka ee qaranka iyo maxalia ah iyo adeegyadda. Booqo blue365deals.com/bcbsmn ama gal websyadka xubin.
  • Adeegyadda Daryeelka Ka hortagga:Daryeelka ka hortagga waa mid ka mid ah siyaabooyinka ugu wanaagsan si adiga iyo qoyskaaga looga dhigo caafimaad qab. Adeegyada waxaa ka mid ah baaritaanada, iyo tallaalada sanadlaha ah. Baro wax badan oo ku saabsan daryeelka ka hortagga

 

Ku noqo kor

 

Raadi daryeel

Hel caawin si aad u hesho daryeelka saxda ah ee kugu habboon.

Marka isticmaalayso Raadi Dhakhtar, gal ama ka xaqiiji shabadaada inaad dooratay si aad u aragto oo kaliya adeeg bixiyasha daboolaya qorshahaaga.

Raadi dhakhtar

Xarumaha Kala-duwanaanshaha ee Blue

Ka hel daryeel tayo leh adeeg bixiyaasha kuwaas oo helay aqoonsiyada qaranka ee daryeelka tayada sare leh, ee kharashka hoose. Raadi astaanta kala Saarida Blue qalabka raadi dhakhtar

Daryeelka Aragtida

Marin uga hel guddiga-dhakhatiirta la aqoonsaday, dhakhatriirta dhimirka iyo dhakhaatiirta cilmi-nafisaga ee Doctor On Demand barta telefoonka casriga ah, tablet-ka, ama kumbiyuutarka. Booqo doctorondemand.com/bluecrossmn.