Soo dhawaada, xubnaha Cargill

Haweeyney heysta telefoonka gacanta

La bilow La Taliyaha Blue Care

Marka aad gasho websaydkeena xubin, waxaa lagu hagaajin doonaa La taliyaha Blue CareSM. Waxay kaa caawinaysaa inaad si sahlan ugu xiranto dhamaan dheefahaaga, magdhowyadaada, barnaamijyadaada iyo in ka badan. Waaad heli doontaa macluumaad ku saleysan faa'iidooyinkaaga iyo taariikhda ay la socoto tallaabooyinka aad qaadi karto si aad kor ugu qaado caafimaadkaaga.

Gal mareegta xubin ama soo degso app-ka si aad u bilowdo. 

Gal      Isdiiwaangeli 

U doodahaaga daryeelka Blue Crosse ayaa halkan u jooga inuu ku caawiyo

Caawimo ka hel dhammaan baahiyahaaga daryeelka caafimaadka, hadday tahay caawimo helida bixiye shabakad dhexdeed, helida agabka baadhista COVID-19, su'aasha sheegashada aasaasiga ah ama shay aad u adag sida ka hadalka fursadaha daawaynta ama maaraynta arin caafimaad. U doodahaaga daryeelka Blue Cross waxaa taageera takhaatiirta goobta jooga, kalkaaliyayaal, farmasiilayaal, khabiiro, iyo khubaro kale si haddii aysan garaneyn jawaabta su'aashaada, way heli karaan.

  • Baro oo fahma faa'iidooyinkaaga
  • Soo hel daryeel bixiyeyaal oo diyaari balamo
  • Is barbar dhig oo fahan fursadaha daawaynta
  • Go'aanso haddii nidaamka lagu taliyey la daboolay
  • Dib u eeg calamadaha muuqda, iyo kuwa aan muuqada, iyo waxyaabaha halista u ah COVID-19
  • Maamul arrimaha caafimaadka iyo qorshooyinka daawaynta
  • Ka jawaab su'aalaha ku saabsan sheegashooyinka caafimaadka iyo wareejinta diiwaannada caafimaadka
  • Deji oo gaar yoolalka caafimaadka sida joojinta tubaakada, dhimista culeyska ama hoos u dhigista cadaadiska

Ka hell jawaabaha khabiirka su'aalahaaga caafimaad adiga oo wacaya oo keliya - Isniinta ilaa Jimcaha 7 subax ilaa 8 galabnimo, Central Time

U doodahayga Daryeelka Blue Cross 1-866-870-0361, isticmaalayaasha TTY waxay wacaan 711

Hel taladda khabiirka caafimaadka iyo taageerada go'aanka qaliinka

Hadda waxaad hesystaa marinka Medial Allay ee loogu talo galay habaynta iyo kalsoonida taageerada fool-ka-foolka si ay kaga caawiso kalsoonida sameeynta go'aamada caafimaadka. Alight Medical Allies ayaa ka caawin karaa inaad ka hesho talo labaad khabiirada ugu sareya, dukumentiyada dhakhtarka iyo xirfada, xaqiijinta baarista, iyo sahminta helayo dookhyadda daawaynta.

Haddii dhakhtarkaaga uu ku taliyo mid ka mid ah doorashada qaliinada soo socda, Medical Ally ayaa ka caawin kartaa inaad qiimeyso doorashooyinka qiimeynta daawada iyo ikhtiyaarada kale si kaga caawiyaan dookhyada ugu wanaagsan.

  • qaliinka hoose ee dhabarka
  • beddelista jilibka
  • qaliinka is caateenta
  • qaliinka ilmo-galeenka

Si aad wax badan u barato ama bilowdo, wac1-888-361-3944 ama booqo mymedicalally.alight.com. Waxaad u baahan doontaa furaha shirkadda, Cargill.

Akhbaarta COVID-19

Sababtoo ah Xaaladda Caafimaadka Dadweynaha ee Degdega ah (PHE) dhaqanlida waxay dhacaysa 5/12/23, dhammaan daawooyinka COVID-19 waxaa lagu dabooli doonaa si waafaqsan heerka faa'iidooyinka qorshahaaga iyo isticmaalka qarash-wadaagista. Tallaalka COVID-19 iyo xoojiyaasha waxay hoos tagi doonaan faa'iidooyinka daryeelka ka hortagga waxaa lagu dabooli 100 shabakadda. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo  COVID-19 boggeena ilaha ama la xiriir adeegga macmiilka 1-866-870-0361

Adeegyada daryeelka ka hortagga

Adeegyada daryeelka ka hortagga ahi waa mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu ilaalin karo caafimaadkaaga iyo qoyskaaga. Wax badan ka baro adeegyadan, oo ay ku jiraan hubinta sannadlaha ah, baadhista iyo tallaalada:

Adeegyada daryeelka ka hortagga ee lagu taliyay 

Blue Distinction Centers® waxay bixisaa daryeelka takhasuuska tayada leh iyo natiijooyiinka wanaagsan

Blue Distinction waa magac ay bixisay Blue Cross tas-hiilaadka caafimaadka ee muujiyay khibrad bixinta daryeelka caafimaadka oo tayo leh. Blue Distinction waxaa loo sameeyay si ay kuu siiso macluumaad muhiim ah, ujeedo leh si aad go'aan wanaagsan uga gaarto daryeelkaaga gaarka ah. Raadi Xarunta Blue Distinction ah haddii aad u baahan tahay mid ka mid ah kuwan: daryeelka wadnaha, beddelka jilibka ama sinta, laf-dhabarta ama qalliinka bariatric, beddelka ama daaweynta kansarka naadirka ah. Waxaad ka arki kartaa macluumaadka Blue Distinction ee ku jira aaladda Raadi Dhakhtar. Si aad u gasho aaladda, dhagsii xiriirinta Raadi Dhakhtar ee dhanka midig ee bogga.

App-ka La taliyaha Blue Care

Astaanta App-ka La taliyaha Blue Care

Ku xiran dhammaan faa'iidooyinkaaga, sheegashooyinkaaga, barnaamijyaddaada abaalmarinadaada iyo wax kaloo badan. Oo hel tallooyinka gaarka ah si aad kor ugu qaado caafimaadkaaga. 

La Taliyaha loogu talo galay app-ka Blue Care ee Android

La Taliyaha loogu talo galay app-ka Blue Care ee iOS