Cabashooyinka & rafcaannada

Sida loo gudbisto cabasho

Haddii aad jaclaan laheyd inaad soo gudbiso cabasho ama racfaan ku saabsan sheegashada la diiday, wac lambarka adeega macmiilka ee qoran qeybta dambe ee kaarka AQOONSIGA xubinta. Haddii aadan awoodin inaad xalliso cabashadaada, waxaad xareyn kartaa racfaan. Bilow adiga oo soo degsanaya cabashada/foomka racfaanka ee qorshaha caafimaadka.

Cabashooyinka ku saabsan ilaalinta gaarka ah

Haddii aad qabto cabasho ku saabsan dhaqankeena asturnaanta ama aad dareento in aanan u hoggaansamin shuruudaha ku xusan Ogeysiiska Dhaqanka Asturnaanta, waxaad xaq u leedahay inaad cabasho gudbiso adigoo isticmaalaya foomka cabashada dhaqanka asturnaanta.

Dib u eegida dacwad ama racfaan

Haddii aadan ku qanacsanayn natiijada cabashadaada ama racfaankaaga, waxaad codsan kartaa dib u eegis madax banaan. Faahfaahin dheeraad ah ayaa hoos ku qoran.

Weydiso dib u eegis

Sida loo codsado dib u eegis madax banaan

Haddii aanad ku faraxsanaheyn go'aan aan gaarnay ee ku saabsan cabashadaada ama racfaankaaga, waxaad codsan kartaa macluumaad dheeri ah ama sharaxida adiga oo wacaya lambarka adeega macmiilka ee qoran qeybta dabe ee kaarkaaga AQOONSIGA xubinta. Haddii cabashadaada ama rafcaankaagu ay ku saabsan tahay adeegga daryeelka caafimaadka ama sheegasho ama heshiis ka noqosho, dib u eegista urur madax banaan ayaa laga yaabaa inay diyaar kuu noqoto.

Muhiim:

Inta badan, waa inaad marka hore bogtaa nidaamka rafcaanka gudaha. Qorshayaasha uu maamulo Gobolka MN waxay leeyihiin kharash xarayn ah oo dhan 25, taas oo uu gobolku ka tanaasuli karo hadii ay jirto xaaladaha dhaqaale xumo.  Tilmaamaha dib u eegista madaxa banaan ma khuseeyaan dhammaan qorshayaasha ama cabashooyinka/rafcaannada.  Si aad u ogaato haddii aad haysato ikhtiyaarka dib u eegis madax banaan wac lambarka adeegga macmiilka ee ku yaal dhabarka kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta ama dib u eeg nuqul ka mid ah shahaadada caymiskaaga si aad u aragto fursadaha racfaanka.

Sida loo codsado dib u eegis

Si aad u codsato dib u eegis, fadlan tixraac tilmaamaha ku jira warqadaada diidmada ee nidaamka racfaanka ama la xidhiidh xafiiska ku haboon ee hoos ku xusan. Urur dib u eegis madax banaan ayaa kula shaqayn doona adiga iyo qorshahaaga caafimaad si ay dib ugu eegaan sheegashadaada. Waxa kale oo aad dooran kartaa qof ku matalo adiga, laakiin waa in aad taas qoraal ku weydiisataa.

Su'aalo?

Haddii aad leedahay qorshe caymis buuxa ama qorshe gobolku nidaamiyey, oo aad hayso su'aalo ku saabsan dib u eegista, la xidhiidh mid ka mid ah xafiisyada soo socda:

  • Waaxda Ganacsiga Minnesota - 1-800-657-3602 (Qorshaha Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota)
  • Waaxda Caafimaadka ee Minnesota - 1-800-657-3916 (Qorshaha Blue Plus of MN)
  • Haddii aad leedahay Qorshe Gobole Badan ah, Xafiiska Maareynta Shaqaalaha ee Mareykanka - 1-855-318-0714 (Qorshaha Blue Cross iyo Blue Shield ee MN)

Haddii aad leedahay qorsha is caymis ah ama aadan hubin nooca qorshaha aad leedahay, wac lambarka adeegga macmiilka ee ku yaal dhabarka kaarkaaga aqoonsiga ee xubinimada.

Ma heysatid nuqulka shahaadaada caymiska?

Wac Lamarka Adeega macmiilka ee ku qoran qeybta dambe ee kaarka AQOONSIGA xubinta​​​​ si aad u weydiiso nuqul.