Lacag bixinta iyo habaynta sheegashooyinka
Fahm faahfaahinta ku saabsan lacagaha caymiskaaga, habraacyada, iyo sheegashooyinka.
Fahm faahfaahinta ku saabsan lacagaha caymiskaaga, habraacyada, iyo sheegashooyinka.
Qorshayaasha aad adigu iskaa u iibsaneyso.
Wixii qorshayaasha shakhsiga iyo qoyska, haddii aad lacag badan bixiso khidmada caymiska, ayaa lacagta ku soo celinaysa koontaada ama waxaan kuu soo dirnaya jeega khimada.
Haddii aad u baahan tahay caawimo ku saabsan bixinta xad dhaafka ah, waxaad gali kartaa koontadaada xubin si aad u soo dirto fariin ammaan ah adigoo gujinaya "Caawimo hel" ama wac adeegga macmiilka lambarka ku yaal gadaal kaarka aqoonsiga ee xubintaada.
Si sahlan oo raaxo leh, waxaad khidmada caymiska Medicare ama qorshaha shaqsiga iyo qorshaha qoyska ku bixin kartaa onlaynka.
Khidmadaada caymiska waxaa la iska rabaa in la bixiyo ka hor inta aysan bilaabin caymiska ama sii wadista.
Waxaad lacagta caymiska ku bixin kartaa muddo. Tani waa marka uu sii soconayo caymiska xitaa haddii khdimada caymiska soo socda mudadiisa aan lagu bixin.
Mudada aad ku bixinayso lacagta caymiska way kala duwan tahay waxayna ku saleysan tahay sida aad u iibsato qorshahaaga.
Waxaad yeelan doontaa muddo aad ku bixiso lacagta caymiska oo adhan sadex bilood oo isku xigta haddii aad horey u bixisay ugu yaraan hal bill oo buuxda khidmada caymiska intii lagu jiray faa'iidada sanadka.
Inta lagu jiro mudada lagu bixinayo lacagta caymiska, waxaaan bixin doonaa dhammaan sheegashooyinka daryeelka aad heshay intii lagu jiray bishii koowaad. Sheegashooyinka daryeelka inta lagu jiro bilaha labaad iyo sadexaad waxaa laga yaaba inaan isla markiiba la bixinin (waa la "hakini"doonaa). Sidoo kale waxaad bixin kartaa warqadda daawooyinka u qorey dhakhtarka intii lagu jiray bilaha labaad iyo saxaaad ee mudada bixinta lacagta caymiska.
Haddii aan helin lacagta khidmada caymiska dhammaadka sadexda bilood mudada lacag bixinta, caymiska ayaa la joojinta doontaa maalinta ugu horeysa ee mudada lagu bixinayo lacagta caymiska. Waxaad intaa kadib masuul ka tahay dhammaan daryeelka bilaha labaad iyo sadexaad ee mudada lacagta caymiska.
Waxaan u oggolaanayna 31-maalinta mudada lagu bixinayo lacagta caymiska, halkii aan sadex bilood ka oggolaan laheyd.
Xaalad kasta, haddii caymiskaaga la joojiyo sababo la xiriira bixin la'aan, waxaa laga yaabaa inaadan mar kale heli karin caymiska caafimaadka ee shakhsiga iyo qoyska ilaa xilliga soo socda ee is-qorista sanadlaha ah, haddii aadan la kulmin dhacdo u qalanta.
Haddii aad booqato takhtar in-network, isbitaalka ama bixiyaha kale ee daryeelka caafimaadka, uma baahnid inaad noo soo gudbiso sheegasho. Adeeg bixiyahaaga ayaa soo gudbin doonaa sheegashada.
Haddii aad booqato dhakhtar shabakada ka baxsan, isbitaalka ama bixiyaha kale ee daryeelka caafimaadka, waxaad u baahan doontaa inaad noogu soo gudbiso mid ka mid ah foomamka sheegashada waqtiga lagu xusay heshiiskaaga.
Foom walba wuxuu muujinaya macluumaad aad u baahan tahay inaad ku sheego foomka, oo ay la socoto macluumaadka heshiiska ee adiga loogu talagalay inaad ku soo gudbiso foomka qaabka aad u doortay: boostada fakis, ama iimayl.
Haddii aad qabtid su'aalo ku saabsan sheegashooyinka, fadlan wac adeegga macmiilka lambarka ku yaal dhabarka kaarka aqoonsiga ee xubintaada.
Waa dhif, laakin waa suurtagal in sheegashadu la diido kadib markii la bixiyo ("horay loo ansxiyay"). Haddii tani ay dhacdo, waxaad masuul ka tahay inaad bixiso lacagta dhakhrarkaaga ee loogu talagalay kharashka daryeelka aad heshay.
Sidee baa sheegashooyinka loo diidi karaa oo sidee ayaad uga fogaan kartaa:
Kaadib markaad isticmaasho faa'iidooyinka qorshaha caafimaadkaada oo aanu ka helno sheegasho lacag bixin adeeg bixiyahaaga, waxaan kuu soo diri doonaa sharraxaadda dheefaha (SHDH).
SHDH ma ahan biil, laakiin waxay ka caawinaysa inaad la socoto qaar ka mid ah macluumaadka muhiimka, oo ay ku jirto:
Haddii adiga, lamanahaaga ama aad dabooshay ku tiirsanayaashaada lagu daboolay in ka badan hal qorshaha caafimaadka, waxaan la shaqeynaya qorshahaaga kale si aan uga wada shaqeeynbo sida loo bixinayo kharashaadka qorsho walba loo bixiyo?
Kharashkaagu aad bay uga sarreeyaan marka aad daryeel ka hesho shabakaddaada ka baxsan.
Shabakadu waa koox dhakhaatiir, rugo caafimaad, isbitaallo iyo bixiyeyaasha kale ee daryeelka caafimaadka oo aad ku heli karto qiimo jaban. Haddii aad doorato inaad aragto bixiyeyaasha aan ku jirin shabakadda qorshahaaga, waxaa laga yaabaa inaad bixiso kharash badan ama dhammaan kharashka daryeelkaas, sidaas darteed waa muhiim inaad ku sii jirto shabakaddaada.
Hubi in adeegyada u baahan ansixinta ay horey u ansixiyeen.
Sida qayb ka mid ah caymis kaaga, waxaanu bixinaa adeegyo kaa caawinaya inaad hesho daryeel tayo sare leh oo aad lacag ku badbaadiso adigoo iska ilaalinaya kharashyada aan loo baahnayn. Marka adiga iyo dhakhtarkaagu aad samaynaysaan go'aanno ku saabsan daryeelkaaga iyo sida waxtarkaagu u shaqeeyo, waan ku caawin karnaa.
Wax badan ka baro oggolaanshaha hore iyo xeerka caafimaadka.
Mararka qaar, haddii dhakhtarkaagu uu dareemo in aysan jirin daawada la caymiyay oo buuxinaysa baahidaada, waxay codsan karaan in laga reebo si daawada ay u noqoto mid ku daboolan qorshahaaga.
Macluumaadkan ma quseeyo qaar ka mid ah qorshayaasha koox, Medicare qorshayaasha ama Medical Assistance (Medicaid) qorshayaasha.