Waa maxay khidmada caymiska caafimaadka?
Baro wax ku saabsan khimadaha caymiska caafimaadka iyo sida loo bixin karo lacagaha.
Baro wax ku saabsan khimadaha caymiska caafimaadka iyo sida loo bixin karo lacagaha.
Qadarka khidmada caymiska ayaa la xidhiidha faa'iidooyinka qorshahaaga caafimaadka. Caadi aahan, haddii lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo ay sareyso, khidmada caymiska-gaaga waxay noqon doontaa mid hooseysa, iyo bil kacsi.
Waa muhiim in si wada jir ah loo tixgeliyo khidmada caymiska iyo lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo marka aad dooranayso qorshe.
Tusaalaha qorshaha lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo ee sare iyo hoose:
Janet way caafimaad qabtaa aad bayna dhif ugu tahay aadida dhakhtarka. Waxay go'aansatay qorshe leh lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo uu sareeyo in uu si fiican ugu shaqayn doonta iyada.
Waxay dooraneysaa inay bixiso khidmada caymiska oo hooseysa, laakiin wali waxay heli doontaa difaaca haddii ay u baahato inay daryeel caafimaad u hesho wax weyn.
David waxa uu leeyahay xaalad caafimaad oo socota taas oo u baahan in uu si joogto ah u arko dhakhtarkiisa. Wuxuu doortaa qorshaha lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo hoose.
Wuxuu ogyahay in uu bixinayo khidmada caymiska ee ka badan eee bilaha ah, laakiin qorshaha caafimaadka wuxuu bilaabayaa inuu bixinayo biilasha caafimaadkiisa dhaqso marka loo eego haddii uu la kulmo lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo oo sare.
Waxaad ku bixinaysaa khidmada caymiska iyadoo ku saleysan sida aad u hesho qorshahaaga. Haddii aad caymiska caafimaadka ku leedahay shaqada, loo-shaqeeyahaagu wuxuu si toos ah khidmadahaada caymiska ka qaadan doonaa jeegaaga. Haddii aad leedahay qorshahaaga caafimaadka oo adiga kuu gaar ah, waxaad si toos ah lacag ugu bixin doontaa shirkadda caymiska.
Qorshahaagu waxa uu shaqeeynayaa oo kaliya marka aad bixiso khidmada caymiska, markaa waa muhiim inaad ku bixiso wakhtiga. Haddii aad si toos ah u bixiso lacagta, Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota iyo Blue Plus waxay leeyihiin doorashooyinka lacag bixineed oo aad ku bixin karto onlaynka ama aad ku dejin karto lacag bixinta tooska ah.
Ogow sida ay ugu haboon tahay khidmada caymiska kharashyada daryeelka caafimaadka ee kale iyo baro sida iyo cida bixineysa lacagta daryeelka caafimaadka.
Tani waa macluumaad guud oo ku saabsan sida ay u shaqeyso faa'iidooyinka. Dib u eeg Faa'iidooyinka Koobaan iyo Caymiska iyo buuga faa''iidada qorshaha caafimaadka wixii macluumaad ah oo ku saabsan sida u shaqeeynayo qorshahaaga.
Adiga ayay ku xiran tahay marwalba inaad hubiso haddii aadeg bixiyahaaga ku jira shabakadda qorshaha caafimaadka ka hor inta aadan helin adeegyada. Adeeg bixiyaasha oo dhan ma ku jiraan shabakad walba. Waxaa laga yabaa inaad bixiso lacag badan ama kharashaadka daryeelkaaga caafimaadka oo dhan haddii adeeg bixiyahaaga uu ka baxsan yahay shabakadaadaama uusan qandaras la laheyn Blue Cross (tani waxaa loogu yeera adeeg bixiyaha aan aheyn-ka qeybgalista). Waad xaqiijin kartaa haddii adeeg bixiyahaaga uu ku jiro shabakadda adiga oo wacya lambarka adeegga macmiilka ee qoran qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta.