Qorshayaasha ilkaha ee Blue Cross ee loogu talagalay shakhasiyaadka iyo qoysaska
Qorshayaasheena ilkaha ee aan bixino waxaa loogu talagalay dhamaan dadka da' kasta, waxayna ku habboon yihiin adiga ama dhammaan qoyskaaga.
Qorshayaasheena ilkaha ee aan bixino waxaa loogu talagalay dhamaan dadka da' kasta, waxayna ku habboon yihiin adiga ama dhammaan qoyskaaga.
Blue Cross iyo Blue Shield of Minnesota waxay leeyihiin qorshayaal kala duwan oo aad u dooranayso inay buuxiyaan baahiyahaaga caafimaadka, miisanyada qoyska iyo dookhyada shakhsiga.
Dhammaan qorshayaasha waxay daboolayaan daryeelka ka hortagga ilkaha oo ay ku jirto baaritaanda iyo nadiifinta 100 boqolkiiba marka aad aragto dhakhtarka ilkaha ee ku jira shabakadda.
2026 Hagaha go'aanka:
Arag 2026 hagaha go'aanka ilkaha iyo araga - Ingiriiska
Arag 2026 hagaha go'aanka ilkaha iyo araga - Isbaanash (PDF)
2025 Hagaha go'aanka:
Arag 2025 hagaha go'aanka ilkaha iyo araga - Ingiriiska
Arag 2025 hagaha go'aanka ilkaha iyo araga - Isbaanash (PDF)
Daryeelka ilko toosan waa laga reebay. Xadidaada heerka qorshaha way ku dabaqan tahay. Adeegyada ka baxsan shabakadda ayaa lagu soo dalici karaa biilka.
Doorashadaada qiimaha kugu hooseya
Daboolida ka hortagga iyo adeegyada baarista aan laheyn mudado sugid. Waxay bixisa qiimo dhimisyada adeegyada aan la dabolin ee ku jira qorshaha marka la istimacmaalayo adeeg-bixiyaha shabakada ku jira.
La awooddi karo, qorsho dhaqameedka
Wuxuu bixiya caymiska wanaagsan ee loogu talogalay adeegyada guud ee ilkaha marka la isticmaalayo dhakhtarka ilkaha ee ku jira shabakadda.
Dabacsan lana fahami karo
Caymiska ballaran ee kala duwan iyo faa'iidooyinka. Hagaag haddii aad raadinayso faa'iidooyinka ugu dhammeystiran.
Waxaad iska diiwaangelin kartaa qorshaha ilkaha waqti walba. Waa degdeg weeyna fududahay. Caymiska guud ahaan wuxu bilaabmaa kowda bisha kadib markii aanu helno codsigaaga iyo lacag bixintaada.
Ma u baahnid inaad heysato caymiska caafimaadka Blue Cross si aad isaga diiwaangeliso mid ka mid ah qorshayaasha Ilkaha Blue Cross. Qorshayaasha ilkaha waxaa lagu iibsan karaa qof walba oo da'da jira 18 ama ka weyn.
Hel caawinta telefoonka
Wac: 1-877-293-7040
Si shakhsi ah u hel caawin
La Taliyaha Blue Cross ayaa kuula kulmi doonaa si shakhsi ahaaneed ama muuqaalka foogaanta si uu kaga jawaabo su'alaahaga.
Jadwalka ballanta
Qorsheyaasha caafimaadka qofka iyo qoyska ee reer Minnesota waxay ku saleysan yihiin meesha aad ku nooshahay. Qorshe kastaa wuxuu leeyahay shabakad bixisa daryeel caafimaad daboolan oo agagaarkaaga ah.
Qorshayaasha aragtida Blue Cross waxay bixiyaan kaydinta muraayadaha indhaha iyo qaar cayminaya baaritaanka indhaha.
Fiiro gaar ah: Qorshayaasha Ilkaha Blue Cross waxay bixiyaan caymiska adeegyada ee loogu talagalay adeegyada carruurta, si kastaba ahaatee qorshayaasha ma buuxiyaan ugu yaraan shuruudaha faa'iidada ee caafimaadka aasaasiga ah ee loogu ilkaha carruurta sida u rabo Xeerka Daryeelka La Awooddi karo. Si aad u hesho qorshayaasha ilakha ee cadeynta Kala beddelashada Carruurta visit MNsure.
Shirkadaha United Concordia, Inc. waa shirkadd madaxbanaan oo bixisa adeegyadda maareynta faa'iidada ilkaha iyo helida the Advantage Plus 2.0 national network.