Cusbooneysiinta ama bedelida qorshahaaga caafimaad
Loogu talagalay xubnaha qorshaha qoyska ee Blue Plus iyo kuwa shakhsi ahaaneed
Loogu talagalay xubnaha qorshaha qoyska ee Blue Plus iyo kuwa shakhsi ahaaneed
Uma baahnid inaad wax qabato haddii aad rabto inaad ku sii jirto qorshaha caafimaadka shakhiga iyo qoyskaaga ee hadda ku jira Blue Plus
Warqadda dib u cusbooneysiinta ee aad ka heshay Blue Cross waxaa ku jia macluumaad ku saabsan qorshaha, oo ay ku jirto qiimeyntaada iyo isbeddelada dheeriga ah ee loo sameeyey qorshaha sanadka soo socda.
Waxaad dooran kartaa qorshaha shakhsiga iyo qoyska oo kala duwan inta lagu jiro muddada diiwaangelinta furan ee sanadlaha ah, ama waqti kasta adigoo adeegsanaya diiwaangelinta gaarka ah haddii aad buuxiso shuruudo gaar ah.
Qorshayaasha laga iibsado MNsure si toos ahaan dib isku cusbooneysiin doonaa.
Haddii aad jaclaan laheyd inaad bedesho qorshayaasha, waxaad iibsan karta qorshaha laga helo MNsure
Nofeembar 1 - Diseembar 15, 2026 si loogu talagalay caymiska ka bilaabanaya Janaayo 1, 2027
Diseembar 16, 2026 - Janaayo 15, 2027 oo loogu talagalay caymiska ka bilaaabanaya Febraayo 1, 2027
Ma seegtay mudada diiwaangelinta furan? Waxaa laga yaaba inaad u qalanto weli qorshaha iyadda oo lo marayo is diiwaangelinta gaar ah.
Markaad heleyso daryeelka, waxaad bixin doontaa kharashka ugu hooseeya adiga oo isticmaalaya dhakhaatiir, farmashiyo iyo adeeg bixiyaasha kale ee daryeelka caafimaadka kuwaas oo ku jira shabakadaada.
Kharashyadaadu waxay u badan tahay inay sare u kici doonaan haddii aad isticmaasho bixiyaha aan ka qeyb aheyn shabakada daryeelka.
Dukumentiga faa'iidooyinka Koobaan iyo Caymiska (SBC) wuxuu bixiya sawirka kharashaadka qorshaha caafimaadka, faa'iidooyinka iyo adeegyada daboolay daryeelka caafimaadka.
Qorshahaaga waxa ku jira caymiska dawooyinka laguu qoray ee laga buuxiyey farmashiyeShabakadda Farmashiyaha Aasaasiga ah.
Dawooyinka dhakhtar qoray ee ku jira liiska daawada BasicRx waxaana daboolaya qorshayaasha shakhsiga iyo qoyska.