Fahamka faa'iidooyinka daawada dhakhtar qoray
Garashada sida faa'iidooyinka noocyada kala duwan ay u shaqeeyaan ee warqada dawada ee dhakhtar qoray ayaa ka caawin kartaa maareynta kharashaadka.
Garashada sida faa'iidooyinka noocyada kala duwan ay u shaqeeyaan ee warqada dawada ee dhakhtar qoray ayaa ka caawin kartaa maareynta kharashaadka.
Dhammaan qorshooyinka caafimaadku maaha kuwo caymiyan dawooyinka la dhakhtarka qoro. Qorshahaaga caafimaad waxa uu leeyahay liiska dhammaan daawooyinka uu caymiyo, oo loo yaqaan formulary. Haddii aad u baahato dawo aanu qorshahaagu caymin, waa inaad wax badan ka bixisa - waxana suurtogal aha inaad qiimaha oo dhan - jeebkaaga ka bixiso.
Waxa kale oo laga yaabaa inaad qorshahaaga la wadaagto kharashka dawooyinka la caymiyay qaarkood. Inta aad bixinayso waxay ku xidhan tahay nooca daawada iyo heerka ay daawadu ku jirto.
Meesha aad ka soo buuxsato daawoyinkaaga aya sidoo kale saameyn kartaa inta aad ka bixineyso daawooyinka. Isticmaal farmashiye kaas oo ku jira qorshaha shabakadda si loo helo heerka ugu sareya ee caymiska.
Gal akoontigaaga xubin si aad u hesho daawooyinka liiska dawooyinka la caymiyay iyo farmashiyeyaasha ku jira shabakadaada.
Qorshayaasha caafimaadka ee Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota iyo Blue Plus inta badan waxay u kooxeeyaan dawooyinka la caymiyay heerar lambar leh, kuwaas oo ku kala duwan sida qorshuhu yahay.
Guud ahaan, sida heerka lambarku uu u hoose, ayay u yaraata lacagta aad ku bixin doonto daawooyinkaaga.
Heer kasta waxaa ku jira noocyo kala duwan oo daawo ah.
Hoos waxaa ku qoran tusaalooyin qaar ka mid ah heerarka iyo noocyada daawooyinka laga yaabo inaad ku aragto agabka qorshahaaga:
Daawooyinka guud waxay leeyihiin maaddooyin firfircoon oo isku mid ah waxayna u shaqeeyaan si la mid ah daawooyinka magaca-summada ee ay koobiyeeyaan.
Caadi ahaan waxay ku kacayaan wax ka yar noocyada magaca-summada.
Waxaad ku bixin doontaa wax ka badan daawooyinkaan guud marka loo eego daawooyinka ggud ee la doorbido.
Daawooyinkaan waxay ku jiraan liiska daawooyinka la caymiyay ee qorshaha waxaana laga yaabaa inaysan lahayn nooca guud.
Waxay ku kacayaan in ka badan daawooyinka guud laakiin wax ka yar dawooyinka summada ee aan la door bidin.
Waxaad ku bixin doontaa wax ka badan daawooyinkan marka loo eego daawooyinka summada ee aad doorbidayso.
Waxa laga yaabaa in aad hesho daawo guud taas badalkeeda kugu kacaysaa qiimo yar.
Daawooyinkan waxaa loo isticmaalaa in lagu daweeyo xaaladaha caafimaad ee soo socday waxayna noqon karaan kuwo qaali ah.
Badana waxay u baahan yihiin maarayn gaar ah waxaana laga yaabaa in laga dalbado farmashiye khaas ah.
Dawooyinka dhakhtarku qoro ayaa qaali noqon karaan xitaa marka uu caymiyo qorshahaaga caafimaad.
Waa kan sida aad lacagta u badbaadsan karto adoon caafimaadkaaga khatar gelin:
Ku bilow jeneeriga
Haddii daawadu ay tahay mid la heli karo si guud, isku day taas marka hore.
Fiiri liiska liiska dawooyinka la caymiyay ee qorshahaaga
Haddii dawooyinkaagu aanay ku jirin liiska, weydii dhakhtarkaaga dawo la mid ah oo qorshahaagu caymin doono. Liisaska daawada la caymiyay (Formularies) way isbedeli karaan sanadka oo dhan.
Ka raadi farmashiye ku jira qorshaha shabakadaada.
Waxaad wax badan ka bixin doontaa daawoyinka aad ka buuxisay farmashiyaasha ee aan la door bidin ama mashruucaaga ku jira.
Ka hubi qorshahaaga si aad u hesho farmashiye mashruuca ku jiro oo u dhow gurigaaga ama shaqadaada.
Gal akoontigaaga xubin si toos ah u hel daawadaada la caymiyay iyo tusiyaasha farmashiye
Isticmaal adeega keenida warqada dawada ee dhakhtar qoray
Waxaa sidoo kale laga yaaba inaad badbaadsato lacag marka aad isticmaasho dalabka boostada farmashiye wixii ah daawooyinka aad u qaadanayso xaaladdaha darran sida dhiig karka sare ama macaanka. Daawooyinka laguu qoray waxaa si toos ah lagugu soo diri doona boostada.
Baro wax badan oo ku saabsan keenida warqada dawada ee dhakhtar qoray
Kala hadal dhakhtarkaaga
Haddii ay kugu adag tahay inaad maareyso kharashka daawooyinka laguu qoray, weydii dhakhtarkaaga daawooyin kale oo laga yaabo inay kharash kaas ka yar ku baxayo.
U qaado daawooyinka sida lagu faray
Qaadashada daawooyinkaaga ee kaliay nus wakhti ama qaadashada kala bar koorada si aad lacagta u badbaadsato waxay khatar gelin kartaa caafimaadkaaga waxayna kuu horseedi kartaa kharashyo badan mustaqbalka.
Free Contour®Next booriska meter
Maadama qeyb ka tahay ballanteena caafimaadkaaga, waxaan kugu siineynaa dookha bilaash ah ee meterada sonkorta.
Qorshahaaga caafimaad waxa laga yaabaa in uu barnaamijyo diyaariye si uu gacan uga geystaan xakamaynta kharashaadka iyo hubinta isticmaalka badbaadada leh ee dawooyinka laguu qoray.
Barnaamijyadan waxaa ka mid noqon kara:
Barnaamijkan, qorshahaagu waxa uu uga baahan yahay in marka hore dhakhtarkaaga kuu qoro dawo badbaado leh, oo qiime jaban ka hor inta aanad u kicin dawo ka cusub ama ka kharash badan.
Si loo hubiyo isticmaalka badbaadada leh oo habboon, daawooyinka qaarkood waa in uu oggolaadaa qorshahaaga caafimaad ka hor inta aan la caymin.
Barnaamijkani wuxuu kor u qaadaa isticmaalka badbaadada leh wuxuuna si toos ah u xaddidayaa inta jeer ee aad ka buuxin karto daawada ama inta aad heli karto hal mar.
Faa'iidooyinkaaga farmashiye waxay bixisa helida dookhyada kugu haboon ee farmashiye, oo ku oggolaanaya daawada ku qoran ee afka laga qaato ee kansarka si looga buuxiyo farmashiyaasha ka qeybgala ee deegaanka kuwaas oo qeyb ka ah rugta caafimaadka, isbitaaladda iyo/ama nidaamka caafimaadka.
Tani waxay kuu fuduneysa inaad xarunta caafimaadka ka soo qadasho warqada dawada ee dhakhtar qoray.
Haddii mid ka mid ah ka qeybqaatayaashan cusub ee farmashiyaha ayay aad kuugu haboon yihiin adiga, weydii daawo qorahaaaga wax ku saabsan wareejinta warqada dawada ee dhakhtar qoray.
La hadal wakiilka Blue Cross
1-800-262-0823 (TTY 711)