
Daryeelka ka hortagga ee loogu talagalay raga
Baro sida looga ka hortago kansarka qanjirka xaniinyaha iyo wax ku saabsan baaritaanada kale looga hortagayo ee loogu talagalay raga, gaar ahaan kadib da'da 50.
Baro sida looga ka hortago kansarka qanjirka xaniinyaha iyo wax ku saabsan baaritaanada kale looga hortagayo ee loogu talagalay raga, gaar ahaan kadib da'da 50.
Blue Cross waxay ka hadasha wax ku saabsan caafimaadka raga, oo ay ku jirto baaritaanada ka hortagga si loo yareeyo halista qanjirka xaniinyaha iyo cudurada kale. Haddii aad tahay rag qaba walacyada caafimaadka ama aad jirto 50 ama ka weyn, jadwalayso ballanta aad la yeelanayso dhakhtarka maanta.
Go'aanka lagu booqanayo dhakhtarka waxay ku xiran tahay da'da iyo halista caafimaadka:
Waxaa laga cabiri doonaa dhiirarka, miisaanka iyo dhiig karka waxana lagu weydiin doonaa noocyada su'aalahan:
Inta ay ragga korayaan, xita waxay noqoneysa muhiim inaad si joogto ah u aragto dhakhtar baartiaanda soo socda:
Waa muhiim in la fahmo waxaa caafimaad ahaan lagu taliyey iyo waxaa gaar ahaan u daboolayo qorshahaaga. U isticmaalan ilmaha si aad u baarto. Ka hel faafahinta dheeraadka ah buugga faa'iidada
Qanjirka xaniinta waa qanjir ku wareegsan kaadi mareenka labka, kaas oo hoos mara kaadi heysta. Kansarka qanjirka xaniinta waa mid ka mid ah kansarada ku badan raga inta badan waa lagu guuleystaa daaweyntiisa. Dhakhtarkaaga ayaa marka koowaad qiimeyn doonaa halistaada kansarka qanjirka xaniinta ka hor inta u go'aaminin haddii la sameeynayo baarista dhiiga iyo haddii kale.
Arrimaha ku geli halista weyn ee kanskarka qanjirka xaniinta waxaa ka mid ah:
Haddii aad halis ugu jirto, dhakhtarkaaga ayaa laga yaaba inuu amaro baaritaanka dhiiga si uu kaga fiiriyo heerka antijiinka qanjirka xaniinta gaarka ah ee qulqulka dhiigaaga. Heerka PSA waxay ku xiran tahay da'daada; heerka PSA caadiga ah 70 sano jirka ah ee raga waxay ka sareyn doontaa heerka PSA ee lab-ka ka yar.
Dhakhtarkaaga ayaa laga yaaba inuu ku taliyo dabagal waxay ku xiran tahay natiijooyinkaaga PSA. Qaar ka mid ah noocyada kansarka qanjirka xaniinta ayaa si tirtiib ah u koreysa, marka dhakhtarkaaga ayaa laga yaaba inuu baahan yahay kormeerida. Noocyada kale ee kansarka qanjirka xaniinta aad u adkaan karaa. Dhakhtarkaaga ayaa kala hadli karaa daaweynta, sida qaliinka, shucaaca, kimodereebiga iyo ikhtiyaarada kale.
Si aadu caafimaad qabto, waxaa fiican inay raga ka fogaan sigaarka, joogteynta miisaanka caafimaad qabka ah iyo jimicsiga joogtada ah. Waa muhiim sidoo kale in la sameeyo galmo badqab ah ama la jadwalaysto baaritaanada joogtada ah inta aad koreyso.