Barnamijyada daawada dhakhtar qoray
Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota waxay bixiyaan barnaamijyada kala duwan ee daawada dhakhtar qoray U qalmitaanka waxay ku xiran tahay qorshahaaga caafimaadka.
Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota waxay bixiyaan barnaamijyada kala duwan ee daawada dhakhtar qoray U qalmitaanka waxay ku xiran tahay qorshahaaga caafimaadka.
Step therapy waa hanaan u baahan isku dayista daawo kale taas oo aad u badqabi karto, caafimaad ahaan iuo waxtar ahaan, iyo mararka qaar, waa raqiis, ka hor inta aan la ansixin daawo qaali ah.
Xadida tirada waxay xakameysa kharashaadka waxayna hubisa in daawooyinkaaga lagugu qora khidmooyin ku haboon.
Oggolaanshaha hore waa hanaanka lagu hubiyo in lagu qoro daawada haboon iyo isticmaalista ka hor daawada waa la dabooli doonaa. Caymiska ayaa la ansixin karaa kadib shuuradaha qaar markii la buuxiyo.
Cudurada qaar waxaa lagu daaweya daawooyin gaaar ah. Kuwaani waa xaaladdaha sida jeermisyada cuna neeferayaasha, homofiiliya, cagarshowga iyo lafo xanuunka. Waxaan dooranay faramshiyaal gaar ah oo lagu kalsoonyahay si ay kaga caawiso taageerada, guri keenid kugu haboon iyo kaydinta.
Haddii aad leedahay daawo dhakhtar kuu soo qoray oo socota, waxaad kaydsan kartaa adiga oo hela saadka maalinta 90 = oo hal mar ah. Waxaa ku heli karta in dawadaada lagugu keeno gurigaaga ama waxaad booqan kartaa farmashiyaha ku jira 90-maalin oo saadka shabakada.
Soo qaado daawada laguu qoray oo si toos ah lagugu so diray boostada gurigaaga ee leh adeega guri geynta. Waa fududahay wayna kugu haboontahay.
Farmashiye tafaariiqada ah, barnaamijka tallaalka, waxaa lagu dabooli doonaa marka aad u tagto farmashiyaha tallaalada guud ee kala duwan. Waxaa ku jira qorshaha ugu badan ee shaqaalaha.
Hel caymiska qaar ka mid ah dawooyinka dhakhtar qoray iyada oo jirin buuxinta baahida qorshaha caafimaadka ugu horeya ee lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo. Barnaamijka dawada ka horta waa lagu daray qaar ka mid ah qorshayaasha loo shaqeeyaha.
caymiska caafimaadka caadiyaan waxay daboosha adeegyada daryeelka ka-hortagga. Baro marka la jadwalaysanayo baaritaanka baarista si kaga caawiyo ka hortaga iyo qabashada walaacyada suurtogalka caafimaadka.
Soo gal si aad daawooyin uga hesho liiskaaga dawooyinka la daboolay iyo farmasiyada shabakadaada.
Fiiro gaar ah: Macluumaadkani ma khuseeyo qorshayaasha Medicare ama Qorshayaasha Medical Assistance (Medicaid)
Barnaamijyada daawada dhakhtar qoray ee lagu daray qorshaha caafimaadka waxay ku xidhan yihiin nooca qorshaha. Si aad u aragto barnaamijyada aad heli karto, hubi agabka qorshahaaga ama wac lambarka ku yaal dhabarka dambe ee kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta.