Waa maxay xadiga lacagta jeebka laga bixinayo?
Wax ka baro xadiga lacagta jeebka-laga-bixinayo iyo sida loola socdo.
Wax ka baro xadiga lacagta jeebka-laga-bixinayo iyo sida loola socdo.
Xadiga lacagta jeebka laga bixinayo waa midka ugu badan ee aad ku bixin karto adeegyada caafimaad ee la daboolay iyo/ama warqadaha daawoyinka sanad walba.
Xadiga lacagta jeebka-laga-bixinayo kuma jiraan khidmada caymiska bil kasta.
Waxaa sida caadiga ah ku jiro lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo, wadaaga lacag bixinta caymiska iyo wadaaga lacag bixinta, laakiin tani waxay ku kala duwanaan kartaa qorshaha.
Daryeelka caafimaad ee xaalad caafimaad oo socota, daawo qaali ah ama qalliin ayaa macnaheedu noqon karaa inaad la kulanto xadiga lacagta jeebka laga bixinayo
Marka aad gaarto xadiga lacagta jeebka-laga-bixinayo ee shabakaddaada, qorshaha caafimaadkaaga wuxuu bixinayaa qarashka daryeelka caafimaadka iyo daawooyinka la daboolay inta ka dhiman sanadka. Qorshahaagu wuxuu bixin doonaa kharashyadan kaliya haddii adeegyada iyo dawooyinka dawo ahaan lagama maarmaan u yihiin.
Ogow sida xadiga lacagta jeebka-laga-bixinayo uu ula shaqeeyo kharashaadka kale ee daryeelka caafimaadka, oo baro sida iyo cidda lacagta daryeelka caafimaadka loo bixinayo.
Jenny waxay u baahan tahay qalliin waxayna doonaysaa inay hubiso inay hesho heerka ugu sarreeya ee caymiska.
Ka hor qalliinka, waxay hubinaysaa si ay u xaqiijiso in dhakhtarkeeda iyo isbitaalka ay ku jiraan shabakadda qorshaheeda* waxayna raacaysaa tallaabooyinka loo baahan yahay ee ogolaanshaha hore.
Wadarta guud ee kharashka qalliinka Jenny waa $10,000 ka dib markii qorshuhu uu habeeyo sheegashada.
Jenny waxay leedahay $1,500 lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo iyadoo leh 20% wadaaga lacag bixinta caymiska.
Jenny wuxuu leeyahay xadiga lacagta jeebka-laga-bixinayo $3,500
Jenny waxay dhaqtarkeeda iyo isbitaalka ku bixisaa $3,200 ($1,500 lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo oo lagu daray $1,700 wadaaga lacag bixinta caymiska)
Waxay haysataa $300 dheeraad ah oo ay bixiso ka hor inta aysan gaarin xadiga lacagta jeebka-laga-bixinayo.
Haddii Jenny ay ka bixi lahayd shabakadeeda qorshaheeda qaliinka, waxay lahaan lahayd meel sare oo ka baxsan xadiga lacagta jeebka laga bixinayo. Waxa kale oo laga yaabaa in lacag bixinta caymiska ee laga rabay ka badan tahay daryeelka shabakada.
Tani waa sababta ay muhiim u tahay inaad daryeel ka raadsato shabakada qorshahaaga, sababtoo ah waxaad yeelan doontaa kharashaadka jeebka ka baxsan ee la soo celin. Jenny waa in ay bixiso dhammaan kharashyada aysan Blue Cross bixinayn haddii ay ka hesho daryeel ka baxsan shabakadeeda qorshaheeda.
Kharashyadan laguma xisaabin doono shabakadeeda dhaxdeeda ee xadiga lacagta jeebka laga bixinayo
Tani waa macluumaad guud oo ku saabsan sida ay u shaqeyso faa'iidooyinka. Dib u eeg Faa'iidooyinka Koobaan iyo Caymiska iyo buuga faa''iidada qorshaha caafimaadka wixii macluumaad ah oo ku saabsan sida u shaqeeynayo qorshahaaga.
*Adiga ayay ku xiran tahay marwalba inaad hubiso haddii aadeg bixiyahaaga ku jira shabakadda qorshaha caafimaadka ka hor inta aadan helin adeegyada. Adeeg bixiyaasha oo dhan ma ku jiraan shabakad walba. Waxaa laga yabaa inaad bixiso lacag badan ama kharashaadka daryeelkaaga caafimaadka oo dhan haddii adeeg bixiyahaaga uu ka baxsan yahay shabakadaadaama uusan qandaras la laheyn Blue Cross (tani waxaa loogu yeera adeeg bixiyaha aan aheyn-ka qeybgalista). Waad xaqiijin kartaa haddii adeeg bixiyahaaga uu ku jiro shabakadda adiga oo wacya lambarka adeegga macmiilka ee qoran qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta.