Soo dhaweynta xubnaha cusub
Waad ku mahadsan tahay inaad xubin ka tahay Blue Cross iyo Blue Shield of Minnesota iyo Blue Plus.
Ku bilow Blue Advantage-gaagaSM ee Qoysaska iyo Carruurta, qorshaha MinnesotaCare ama Minnesota Senior Care Plus (MSC+).
Waad ku mahadsan tahay inaad xubin ka tahay Blue Cross iyo Blue Shield of Minnesota iyo Blue Plus.
Ku bilow Blue Advantage-gaagaSM ee Qoysaska iyo Carruurta, qorshaha MinnesotaCare ama Minnesota Senior Care Plus (MSC+).
Akoonigaaga xubin gaar ah ee xafidan wuxuu ku siinaya gelitaankaaga muhiimka
macluumaadka caafimaadka iyo ilaha gaarka ah ee faa'iidooyinkaaga qorshaha.
Horey ma u laheyd akoontiga?
Dhammaan adeegyada caafimaadka dhimirka iyo barnaamijyadda waxay u yihiin bilaash xubanaha Medical Assistance (Medicaid). Ma loo baahna macluumaadka credit card si la isku diiwaangeliyo.
Baro qorshaha ku saabsan adeegyadda iyo barnaamiyadda oo dhan
BlueRide℠ wuxuu ku siinayaa safar ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo si aad u booqato adeegyada caafimaadka, ilkaha, iyo farmashiye ku jira shabakadda qorshahaaga, iyo waxyaabo kale.
Hel daryeelka saxda ah ee ku haboon gurigaaga. Adeegyo qaar oo laga bixiyo rugaha caafimaadka ee moobilka waxaa ka mid ah baaritaanka caafimaadka carruurta, tallaalka, daryeelka ka hor dhalmada iyo ka dib dhalmada, mammograms, maaraynta sonkorowga, qiimeynta caafimaadka dabeecadda, iyo adeegyo kale.
Marka aad doorato inaad ku biirto Abaalmarinada Caafimaadka, adiga iyo qoyskaaga ayaa heli karaa abaalmarinada marka aad buuxiso baaritaanada ka hortagga qaarka iyo hawlaha caafimaad qabka ah.
Waxaa heli kara Qoysaska iyo Carururta iyo Xubnaha MinnesotaCare, 64 sano jir iyo ka yar.
Qorshaha-haaga Blue Plus wuxuu ku yiaada ilaha dheeriga si lagag taageero caafimaadka adiga iyo ilmahaaga ka hor, inta lagu jiro, iyo dhalmada kadib.
Baaritaanka Bilowga ah ee Diiwaangelinta waa qiimeyn caafimaad Blue Advantage Families and Children iyo kuwa cusub ee laga diiwaangeliyay MinnesotaCare. Waxay naga caawineysa inaad kuu baro adiga iyo baahidaada si fiican.
Waxaa sidoo kale awooddi doontaa inaad iska diiwaangeliso barnaamijka maareynta daryeelka, helida qalabyadda bilaashaka, ilaha iyo wax badan.
Waxaa laga yaaba inaad lacag badan ku bixiso daryeelkaaga ama daawadaada haddii aanad isticmaalin bixiye ku jira shabakadaada.
Ka xubin ahaan, waxaad ka dooran kartaa dhakhtar ama rug caafimaad oo ka tirsan shabakaddeena si ay u noqoto rugteena caafimaad daryeelka aasaasiga ah. Waxay ku baran doonaan waxayna ku heynayaan diiwaanada xogtaada caafimaadka hal meel.
Waxaad sidoo kale heysta dookh aad ugu xirmayso guddiga-xaqiijeysan ee dhakhatiirta iyo baxnaaniyaasha shatiga heysta ee online-ka adigoo isticmaalaya Doctor On Demand 24 saacadood maalintii, 7 maalmood toddobaadkii.
Qorshayaasheena waxay daboolayaan adeegyada aasaasiga ah ee ilkaha, oo ay ku jirto baaritaanada, nadiifinada iyo buuxinta.
Wixii ah su'aalaha faa'iidooyinka ilkaha ama ka caawinta helida adeeg-bixiyaha shabakadda-ku jira:
Wac khadka bilaashka ah 1-800-774-9049, TTY 711
Isniin - Jimco, 8 subaxnimo ilaa 5 galabnimo Waqtiga Dhexe
Waa inaad ku dartaa furaha boosta oo aad doorta "Minnesota Select Dental Network" si aad u gasho dhakhatiirta ilaha ee ku jra shabakadda.
Raadi tusiyaha dhakhtarka ilkaha
Shabakadda farmashiye waa liiska farmashiyaal (farmashiye) kaas oo u buuxin karaa daawada qorshaheena xubnaha.
Waxaa laga yaaba inaad ku bixiso lacag badan daawada haddii aad isticaalin farmashiye ku jira shabakadaada ama daawadaada aysan ku jirin habeeyaha (liiska daawada).
Raadi habeeyaha (liiska daawada) onlayn
Ama khadka bilaashaka ah 1-844-765-5939, TTY 711
24 saacadood maalintii, todobo maalmood todobaadkii.
Wac adeegyada xubnaha lacag la'aanta:
1-800-711-9862, TTY 711
8 a.m. ilaa 5 p.m. Waqtiga Bartamaha
Isniin ilaa Jimce
Wicitaankan waa bilaash.
Lambarka telefoonkaan wuxuu ku qoran yahay qeybta dambe kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta.
Ka hel ballan turjubaan dhakhtarkaaga haddii Ingiriisku aanu ahayn luqaddaada koowaad.
Wac 1-800-711-9862, TTY 711.
Wicitaankan waa bilaash.
Kaarka aqoonsiga ee xubinta ayaa lagu soo diri doonaa mar dhaw. Waxaad u baahan doontaa inaad tusto kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta marwalwaba oo aad booqato dhakhatiirta, rugaha caafimaadka, isbitaaladda, dhakhatiirta ilaha ama farmashiyaasha. Waxay heysaa dhammaan macluumaad adeeg bixiyaasha ay u baahan doonaan inay soo gudbiyaan sheegashooyinkaaga.
Kalkaaliyeyaal diiwaangashan iyo kuwa khibrad leh ayaa diyaar ah wakhti kasta, maalin iyo habeenba marka aad u baahan tahay talo caafimaad ama hagid ku saabsan halka aad u aadi lahayd daryeelka.
Kalkaaliyaasheena ayaa sidoo kale ku caawin karaa xiliga iyo uurka kadib.
Wac khadka bilaashka ah 1-888-275-3974, TTY 711.
Waa muhiim ah caafimaadkaaga dareenka iyo dhimirka. Qorshaha-haaga wuxuu daboolayaa daryeelka Caafimaadka Maskaxda iyo Caafimaadka Dabeecadda - waxyaabaha sida Walbahaarka, Welwelka, iyo Isticmaalka Maandooriyaha. Waxaad caawin ka heli kartaa qof ahaan, khadka tooska ah, ama telefoonka 24/7.
Wac khadka bilaashka ah 1-888-275-3974, TTY 711.
Haddii adiga ama qof aad taqaano oo dhibaatoonaya ama dhib ku jira, caawin ayaa la helaya 24/7.
Wac ama fariin u988 si aad ula sheekaysato.
DHS_090525_K01 ANSIXINTA DHS 09/22/2025
Delta Dental of Minnesota wuxuu ka madaxbanaan yahay Blue Cross iyo Blue Shield of Minnesota. Delta Dental®wuxuu bixiya adeegyadda maamulka ee faa'iidooyinka ilkaha.
Doctor On Demand® waa shirkad madax-banaan oo bixisa adeegyada caafimaadka tignoolajiyada.
Prime Therapeutics LLC waa shirkad madax-bannaan oo laga helaayo maaraynta adeegyada waxtarrada farmashiyaha .